Ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Iran, Ali Bagheri, ayaa ku wargeliyay Qatar farriin cad oo ku saabsan siyaasadda Iran ee ku aaddan xaaladda gobolka iyo xiriirka dalalka Carabta ee la leh Israel. Ali Bagheri ayaa sheegay in Iran ay u arki doonto dal kasta oo Carbeed oo hawadiisa ay isticmaasho Israel si ay u weeraraan Iran inuu noqon doono bartilmaameed sharci ah oo ay Iran weerari karto.
Xaaladda gobolka ee u dhaxaysa Iran iyo Israel ayaa meel xun gaadhay kadib geeridii halgamaa,Ismaaciil Haniiyah
Dhowaanahan, xiriirka u dhexeeya Israel iyo qaar ka mid ah dalalka Carabta ayaa soo hagaagay, iyada oo heshiisyo caalami ah.Heshiisyadan ayaa horseeday in dhowr dal oo Carbeed ay xiriir diblomaasiyadeed iyo iskaashi militari la yeeshaan Israel, taas oo ka careysiisay Iran.
Ali Bagheri, oo ah Ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Iran, wuxuu si cad ugu sheegay Qatar in haddii Israel ay adeegsato hawada dalalka Carabta si ay u weeraraan Iran, Iran ay u arki doonto dalalkaas inay yihiin bartilmaameed sharci ah oo ay weerari karto. Farriintan ayaa loogu talagalay inay ku digtoonaadaan dalalka Carabta ee xiriirka dhow la leh Israel, islamarkaana aysan siin fursad ay ku weeraraan Iran.
Hadalkan ka soo yeeray Iran wuxuu si weyn u saameyn karaa xaaladda amni ee gobolka, iyadoo dalalka Carabta ay ku khasban yihiin inay si taxadar leh u miisaamaan xiriirkooda ay leeyihiin Israel.Hadalka Ali Bagheri ayaa ah digniin cad oo ku socota dalalka Carabta ee xiriirka dhow la leh Israel. W