Israa’iiliyiinta ayaa ku amray in dhammaan Falastiiniyiinta ay isaga baxaan Gaza iyada oo duqeymo cirka iyo dhulka ahi ay u muuqdaan in ay ku sii kordhayaan guud ahaan dhulka la go’doomiyay Falastiin. Israa’iil ayaa sheegtay in ay baacsanayso dagaalyahannada Xamaas ee ku sugan Gaza.
Duqeymaha culus ee Israa’iil ay ka geysatay guud ahaan Gaza maalmihii la soo dhaafay, oo ay ku dhinteen tobannaan qof, ayaa u muuqda in looga golleeyahay in lagu cadaadiska lagu kordhiyo dagaalyahannada Xamaas inta ay socdaan wadahadallada xabbad joojinta. Dhexdhexaadiyeyaasha Maraykanka, Masar iyo Qatar ayaa madaxda Israa’iil kula kulmaya Qatar si ay isugu dayaan inay hirgeliyaan wadahadalo heshiis lagu gaaro.
Tan iyo markii ay dagaallada Israel iyo Xamaas dib u billowdeen billowgii bishii October sannadkii hore, weerarrada dhulka iyo duqeymaha ay Israa’iil gaysatay waxaa ku nafwaayay in ka badan 38,000 oo qof oo reer Gaza ah oo shacab ah, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka ee Falastiin.
Dagaalku wuxuu sababay burbur aad u weyn wuxuuna barakiciyey in ka badan 2.3 milyan oo qof oo reer Gaza ah, tiro intaa ka badan ayay warbixinnada qaarkood tibaaxayaan.
Xayiraado aan loo meel dayinn oo ay Israa’iil soo rogtay iyo in ay si baaxad leh u jebisay xeerarka iyo sharciyada dagaalka ayaa xaddiday dadaallada gargaarka bini’aadminimo, taasoo keentay gaajo baahsan iyo cabsi laga qabo macluul. Maxkamadda Danbiyada Caalamiga ah ee Qaramada Midoobay ayaa ku amartay Israa’iil inay qaaddo tillaabooyin lagu ilaalinayo shuruucda caalamiga ah. Waxa ay maxkamaddu sheegtay inay baarayso eedeymo xasuuq oo ka dhan ah madaxda Israa’iil. Israa’iil amarradaa iyo kuwo kale oo caalami ah dhag jalaq uma siin umana eka inay dhawaan u siin doonto inta ay arkayso xabad garaaca Maraykanka iyo dalalka galbeedka oo, inta badan, gardarrada ku garab taagan.