Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya ayaa soo saartay warsaxaafadeed rasmi ah oo ku qoran af-Soomaali, iyagoo jawaab adag ka bixiyey hadal kasoo yeeray Dowladda Soomaaliya. Warsaxaafadeedka ayaa lagu caddeeyey mowqifka Itoobiya ee ku aaddan xiriirka labada dal iyo arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin amniga, iskaashiga iyo iskaashiga gobolka.
Warsaxaafadeedka ayaa ku bilaabmay sidan:
“Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya waxay aad uga xun tahay hadallada aan saxda ahayn ee ka soo yeeray qaar ka mid ah madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya. Waxaan si cad u sheegaynaa in Itoobiya ay weligeed ka shaqeysay nabadda iyo xasilloonida gobolka, iyadoo mar walba dhowraysa madaxbannaanida iyo midnimada dalalka jaarka la ah.”
Warsaxaafadeedka ayaa intaa ku daray:
“Waxaa nasiib darro ah in warar aan sal iyo raad lahayn oo marin habaabin ah ay ku baahaan warbaahinta, taas oo dhaawaceysa xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal ee Itoobiya iyo Soomaaliya. Waxaan ku boorrinaynaa dowladda Soomaaliya inay tixgeliso iskaashiga iyo derisnimada wanaagsan ee aan la wadaagno, isla markaana ka fogaato wax kasta oo carqalad gelin kara xiriirkaas wanaagsan.”
Itoobiya waxay warsaxaafadeedka ku xustay inay diyaar u tahay inay sii waddo taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo horumarinta, iyadoo sheegtay inay muhiim tahay in la xoojiyo iskaashiga labada dal si loo gaaro himilooyinka guud ee nabadda iyo horumarka.
“Waxaan sii wadaynaa inaan taageerno Soomaaliya, waxaana ku boorrinaynaa madaxda Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan kuwa Itoobiya si loo xoojiyo nabadda iyo xasilloonida gobolka oo dhan. Itoobiya waxay diyaar u tahay inay wax walba u hurto sidii loo heli lahaa gobolka nabad ah oo barwaaqo ah,” ayaa lagu soo gabagabeeyay warsaxaafadeedka.
Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale ugu baaqay beesha caalamka inay taageerto dadaallada nabadda iyo horumarinta ee ay wadaan labada dal, si loo xaqiijiyo mustaqbal wanaagsan oo ku salaysan nabad, xasillooni iyo horumar waara.