Madaxweynaha dalka Mareykanka, Joe Biden, ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyey inuusan xilka madaxweynenimada u tartami doonin doorashadda bisha November ee soo socota. Muddo dheer ayaa madaxda xisbiga Dimuqraadiga iyo taageerayaashiisu ka codsanayeen inuu go’aankan shaaciyo, kadib markii ay culeyso kala duwan uga yimaadeen xubnaha xisbiga iyo khaladaad dhowr ah oo uu galay.
Madaxweyne Biden ayaa intaa dheer galay khaladaad dhowr ah xilli uu shir jaraa’id ku qabtey Aqalka Cad, taasoo shaki gelisey awooddiisa inuu dalka sii maamuli karo. Inkastoo uu shaaciyey inuusan tartarkan ka qeyb galidoonin, wuxuu sheegay inuu weli awooddo in uu xilka si hufan u sii wado tan iyo xilliga uu xilkiisu ku egyahay.
Hadalkan ka soo yeedhay Madaxweyne Biden ayaa ahaa mid si weyn loo sugayey, gaar ahaan mas’uuliyiinta xisbiga Dimuqraadiga. Xisbiga ayaa hadda looga fadhiyaa inay soo xulaan musharrax beddeli doona Joe Biden oo la loolami doona Donald Trump, musharraxa rasmiga ah ee xisbiga Jamhuuriga.
Labada musharax ee ugu cad cad lana filayo inay Joe Biden beddeli doonaan ayaa kala ah Guddoomiyaha Gobolka California Gavin Newsom iyo Madaxweyne Ku-xigeenka haatan, Kamala Harris. Waxaa la sugayaa midka labadaas musharrax noqon doona kan xisbiga Dimuqraadiga ee wejihi doona Donald Trump oo carcartiisu aad u soo badatey tan iyo markii uu ka badbaadey shirqoolkii lagu dooneyey in lagu khaarajiyo ee ka dhacay magaalada Bustler, Pennsylvania.