Qaar ka mid ah xildhibaannada golaha wakiillada Jubbaland oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa ka hadlay dagaal beeleedka kasoo cusboonaaday degmada Luuq ee gobolka Gedo.
Dagaalkan oo u dhexeeyo maleeshiyaad beeleed ku wada sugan halkaasi ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac, ayada oo la gubay suuqii waynaa ee degmadaasi.
Xildhibaanada ayaa farriin iyo baaq nabadeed u diray dhinacyada dagaallamaya, waxayna ka dalbadeen inay dagaalka joojiyaan oo wax kasta ay ku dhammeeyaan miiska wadahadalka.
Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana gurmadyo iyo ciidamo dheeraad ah helaya dhinacyada ku dagaallamaya degmada Luuq ee gobolka Gedo.
Gobollo badan oo dalka ka mid ah waxaa haatan kasoo cusboonaaday dagaal beeleedyo, kuwaas oo qarxay xilli dowladda Soomaaliya ay dagaal adag kula jirto Al-Shabaab.