Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa ku dhawaaqday inay si rasmi ah xiriirka ugu jartay dowladda dhexe Soomaaliya, kadib warqado lid isku ahaa oo la is dhaafsaday saacadihii lasoo dhaafay.
Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Maamulka Jubbaland ayaa soo saartay War-saxaafadeed ay ku sheegtay inay soo gabi ahaanba joojisay wada shaqeyntii kala dhexeysay dowladda dhexe.
Jubbaland aya Dawkadda federaalka ku eedaysay inay ku xad gudubtay doorashada Jubbaland, isla markaana ay is hor istaag ku sameysay, sidaa darteedna ay xiriirkii wada shaqeyn sidaas ku joojisay