Roobab illaa xaley ka da’ayay magaaladda Muqdisho ayaa gaystay khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Roobabka ayaa sidoo kale kala xidhay inta bdan qaybaha magaaladda iyadoo isku socodka bulshada uu si baaxad leh u yaraadey.
Jidadka Muqdisho oo ay ku baxeen dhaqaale aad u tirro badan ayaa marka daruuraha roobku tifqaan inta band xirma,waxana sababta ugu weyn lagu tilmaamey in maamulka gobolka Banaadir uu ka gaabiyey howlihii lagama maarmaanka u ahaa biyo bixinta jidadka Muqdisho taas oo dhalisay rooban koobkoban xitaa ay dhaliyaan in jidadku magaaladu biyo la ceegaagaan oo la mari waayo.
Qaar kamida dadka Muqdisho oo saaka ku rafaaday jidadka oo Yee Media la hadlay ayaa sheegay in mar kasta oo uu roob da’o ay sidan ugu dhiban yihiin jidadka caasimadda. .
Muqdisho ayaa kamida magaalooyinka sida weyn u dhismayay sannadihii ugu danbeeyay iyadoo jidad badan oo horay u jajabnaa dib loo dayarctirayay marka loo eego magaalooyin badan oo dalka ku yaalla, hayeeshee waxaa la dayacay oo aan shaqo laga qaban bullaacadihii iyo goobihii ay mari lahayeen biyaha si aaney jidadka ugu negaan.
Yeel Media sida ay ogaatey illaa iyo hadda hal qof ayaa ku dhintay roobabka kala duwan ee ka da’ay Muqdisho. Khasaaraha illaa iyo iminnka lasoo warinayo waxa uu u badan yahay daaro burburay, dugsiyo dumay iyo duunyo daadku qaaday.