Khubarro ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa Arbacadi shalay ku eedeeyay dhinacyada ku lugta leh colaadda sokeeye ee Sudan, in ay gaajada u adeegsanayaan sida hubka lagu dagaallamo.
Warkan ayaa yimid xilli ay sii xoogeysanayaan digniinaha ay hey’adaha caalamiga kasoo saarayaan baahida daran ee ka jirta Sudan, taas oo ay ku sheegeen in ay qarka u saaran tahay in ay macluul isu baddasho.
Khubarrada warbixintan soo saartay oo si gaar ah ugu shaqeeya Guddiga Arrimaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa yiri:
“Ciidanka Millatariga Sudan iyo Kooxda Gargaarka Deg-degga labaduba waxay cunnada u isticmaalayaan hub ahaan waxayna gaajo ku dilayaan dad rayid ah, baaxadda gaajada iyo barakaca aan ku aragnay Suudaan maanta waa wax aan horay loo arag,” ayay yiraahdeen.
Khubarrada ayaa ka digay in macluusha ay hadda aad u soo dhawaatay ka gadaal marki si ula kac ah loo hor istaagay cuntooyinka gargaarka bani’aadannimo si dadka loo gaajeysiiyo, in la weeraray ururrada bulshada rayidka ah halka qaar badan oo ka mid ah dadka dhaq