Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa maanta la kulmay Safiirka dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Richard H. Riley.Kulankan oo ka dhacay gudaha safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya oo ku taalla xerada Xalane ayaa waxaa looga wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan taageerada ay siiyaan hey’adaha amniga dalka.
Wasiirka oo uga mahad-celiyey taageerada dowladda Mareykanka ay siiyaan Soomaaliya ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo, iyada oo mudnaanta la siinayo tayeynta iyo tababarrada ciidanka, si ay u xaqiijiyaan in dalka laga xoreeyo Al Shabaab.
Danjire Richard ayaa dhankiisa sheegay in dowladdiisu ay sii xoojin doonto taageerada ay la garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada amniga oo mudnaan gaar ah u leh dowladda.
Mareykanka ayaa kamid ah dalalka sida weyn ugu garab istaagay dowladda federaalka dagaalka Al-Shabaab.Wuxuuna hub iyo saanad ciidan soo gaarsiiyay dowladda federaalka Soomaaliya tan iyo markii uu billowday dagaalka Al Shabaab.
Dowladda Mareykanka ayaa horey u sheegtay in taageeradeeda dhinaca saanadda hubka ee uu la garab taagan yahay dowladda Soomaaliya ay laf-dhabar u tahay oo xoojin doonto tayada ciidamada gaarka ah, islamarkaana ay sare u qaadi doonto iskaashiga labada dhinac iyo la-dagaalanka Al Shabaab