Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka, Kamala Harris, waqtiga ayay raacdo kula jirtaa. Waxa ay durba billowday ololaheeda madaxtinimo ee kursiga ugu sarreeya Mareykanka. Waxa ay taageero iyo hiil ka raadinaysaa asxaabteeda kale ee xisbiga Dimuqraadiga kaddib markii uu madaxweyne Joe Biden ka haray tartanka madaxtinimada Mareyknaka xaalado caafimaad iyo gabow dartiis.
Howlwadeennada ololaheeda iyo xulafadeeda ayaa durba si xad dhaaf ah galaangal siyaasadeed ugu jiray tan iyo shalay markii uu Biden taageero u muujiyay ku xigeenkiisa. Waxa ay howlwadeennadeeda ku boorrinayaan wufuudda iyo taageerayaasha xisbiga in ay shirka xisbiga Dimuqraadiga ee bisha soo socota dhacaya garabsiiyaan si ay, Kamala, ugu babac dhigto musharraxa xisbiga Jamhuuriga Donald Trump doorashada soo socota ee dhacaysa 5-ta bisha Novermber ee 2024-ka
Kamala Harris laf ahaanteeda waxa ay tan iyo xalay taleefoonno kula jirtay shakhsiyaadka saamaynta leh ee xisbigeeda si ay u taageeraan.
Harris, waa gabar madow iyo Aasiyaan ay iska dhaleen oo 59-jir ah. Haddii ay hesho taageerada xisbigeeda waxa ay tartan xasaasi ah la geli doontaa, madaxweyne hore Donald Trump oo 78 jir ah. Tartan u muuqda in da’ dhiig iyo dhaqan lagu galayo.
Taariikhda dalka mareykanka oo gaaraysa illaa 248-sano, waligeed madaxweyne haweeney looma dooran.
“Harris ayaa iiga sahlanaan doontaa Joe Biden,” ayuu yiri Trump oo waraysi siiyay telefishinka CNN, wax yar ka dib markii uu Biden ku dhawaaqay inuu ka haray tartanka.

Biden, oo ahaa ninkii ugu da’da weynaa ee abid ku fariistay kurisga ugu sarreeya Aqalka Cad, ayaa sheegay in uu sii hayn doono madaxtinimada ilaa uu xilkiisa ka dhammaanayo 20-ka bisha Janurary ee sannaka 2025-ka.
Waxaa isa soo tarayay su’aalo la iska weydiinayay awoodda iyo miyir-qabka Biden. Waa madaxweynihii ugu horreeyay ee ka tanaasula tartan dib u doorasho ah tan iyo Madaxweyne Lyndon B. Johnson sannadkii 1968-kii markaa oo uu Mareykanku ku jiray dagaalkii Vietnam
Tanaasulka Biden oo xilli danbe yimid waxa ay ka dhigan tahay in xisbiga Dimuqraaddigu uu kaliya haysto wax ka yar afar bilood si uu u galo olole madaxweyenimo.
In kasta oo ay jiraan shakhsiyaad badan oo durba taageeray Kamala Harris, haddana Afhayeenkii hore ee aqalka Wakiillada Mareykanka, Nancy Pelosi iyo madaxweynihii hore ee Mareykaka Barack Obama, weli kuma dhawaaqin taageerada ay Harris u hayaan, inkastoo ay labaduba ammaaneen tallaabada Biden.
Waxaa hubaal ah in tanaasulka Biden uu mar kale qaabeeyey tartanka madaxtinimada Aqalka Cad oo bilahii lasoo dhaafay ruxay siyaasadda Mareykanka iyo caalamka.
Liidkii ka muuqaday madaxweyne Biden dood uu la yeeshay Trump 27-ka bishii June ee tagtay, ayaa keentay in dimuqraadiyiin baday ay ku booriyaan inuu ka tanaasulo. Waxaa xigay in 13-kii Luulyo, nin hubaysan uu isku dayay inuu dilo madaxweyne hore Trump, taas oo dhalisay in ololaha Donald Trump uu sii bullaallo halka olahah Biden uu sii barriiqanayay.
Todobaadkii horena Trump waxa uu u magacaabay senetarka mayalka adag ee xisbiga Jamhuuriga ee Maraykanka J.D. Vance, oo 39 jir ah, si uu noqdo ku xigeenkiisa Tartanka, taas oo ka dhigan inuu ka hortagayo dhaliilaha dhallinta ee dul hoganaya.
Haddii Kamala Harris ay gacan siiyaan xisbigeeda dimuqaaddiga sida uu Madaxweynaheeda u siiayay, wax ay ka dhigan tahay taariikh cusub oo ku qormaysa buugta dalka Mareykanka. Haddii ay madaxweyne noqotana waxa dhab noqonaya dhigaalka sinnaanta dimuqraadiiyadda Maraykanka iyadoo dhabaha u xaari doonta jiil danbe oo rajo helaya.