Guddiga qaban-qaabada maalmaha xorriyadda 26-ka Juun iyo 1-da Luulyo ayaa maanta markale Muqdisho ku yeeshay kulankoodii labaad si ay u dardar geliyaan howlaha loo igmaday.
Kulanka oo uu shir guddoominayay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa waxaa qayb ka ahaa xubnaha guddiga heer wasiir, hay’adaha amniga iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa looga hadlay heerka diyaar garowga iyo qaban qaabada.
Waxaa sidoo kale shirkan looga dooday kaalinta hay’addaha kala duwan ee ku aaddan munaasabadaha maalmaha Xoriyadda iyo sidii guud ahaan dalka looga wada xusi lahaa si ka duwan sidii loo xusi jiray Sannadihii hore maadama sannadka laga xusayo deegaano badan oo laga Xorreeyey dagaalamaayasha Al Shabaab
Dawladda Soomaaliyeed iyo guud ahaan bulshadda ayey maalmahan u yihiin maalmo uga tilmaaman maalmaha kale,26 juune waa maalin ay heeryadda,gumeysiga iska rogeen gpboladda Waqooyi halka afar maalin kadib ay xoroobeen goboladda Koonfureed ee dalka.
Waxa uu ahaa halgan dhiig badan loo soo huray,dadka soomaaliyeedna wadiiqooyin badan usoo mareen.