Dowlad goboleedka Galmudug ayaa soo dhaweeyay go’aamadii laga ay soo saareen Goalaha Amniga Qaranka,Maamulkaas ayaa sheegay in cadaalada la hor keeni doono kuwii hubka sharci dara ah soo galiyey dalka.Maamul goboleedka Galmudug ayaana hanjabaad culus u direy,dambiilayasha ay ku raad joogaan laamaha garsoorka ee maamulkaas
Kulan deg deg ah oo ay yeeshey Golaha Amniga Qaranka ayaa waxaa laga soo saarey xaley qodobo doora,waxaana shir gudoomiyahay madaxweynaha Somaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud.
Golaha Amniga Qaranka ee Soomaaliya ayaa laamaha cadaalada ka dalbadey in deg deg loo hor keeno garsoorka dalka shaqsiyadkii uu u rarnaa hubka sharci darada ah ee dalka lagu soo galiyey qaab dhuumaaleysiya, isla markaasna u gacan galey shacabka Caabud-waaq