Dowlad Goboleedka Puntland ayaa ka jawaabtay qorshaha uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku doonayo inuu dalka ka qabto doorasho qof iyo cod ah sanadka 2026, iyagoo ku tilmaamay mid aan macquul ahayn. Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, oo la hadlayay weriyayaasha magaalada Garowe, ayaa sheegay in xaaladda amni ee Soomaaliya aysan u oggolaaneyn in la qabto doorasho qof iyo cod ah.
Wasiirka ayaa ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheekh inuu laalay dastuurkii dalka iyo awooddii ra’iisul wasaaraha, taasoo uu sheegay inay keentay in xukunka uu si gaar ah ugu xooganaado madaxweynaha iyo gabadhiisa. Wuxuu sidoo kale sheegay in ganacsatada Puntland ay diideen waxa uu ugu yeeray gabood-fallada dowladda, taasoo sababtay in ay xiraan ganacsiyadooda, iyagoo ka cawday canshuuraha cusub ee dowladda federaalka kusoo rogtay.
“Xasan Sheikh isagoo aan waxba samaynin ayuu wuxuu leeyahay doorasho qof iyo cod ah ayaan qabanayaa. Hala ogaado, taas macnaheeda waxaa weeyaan, “xukunka waan kororsaday”. Inuu xukunkiii kororsaday waxaa kuu caddaynaysa markii uu laalay dastuurkii oo uu yiri golayaasha dowladdu ma jiraan,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Puntland.
Wasiirka ayaa hadalkiisa ku daray in madaxweynaha Soomaaliya aan laga filaynin inuu dalka gaarsiiyo doorasho hufan sanadka 2026, isagoo ku tilmaamay qorshahaas mid aan suuragal ahayn marka la eego xaaladda guud ee dalka.
Hadalka Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa ku soo beegmaya iyadoo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu dhowaan sheegay in Soomaaliya aysan dib ugu laaban doonin doorasho dadban, taas oo ah nooca doorashooyinka loo isticmaalay sanadihii hore.