Maamul goboleedka Puntland ayaa si cad u shaaciyay mowqifkiisa ka dhanka ah shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee ka socda magaalada Muqdisho, kaas oo uu ka maqan yahay Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni. Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, oo la hadlay Shabelle TV, ayaa si xooggan uga horyimid shirkaasi, isagoo dhaliil u jeediyay habka uu u socdo iyo ajendayaasha lagu gorfeeynayo.
Dirir ayaa ku eedeeyay in shirka uu yahay mid mugdi ah oo aan ku habboonayn wadahadal wax ku ool ah. Wuxuu sheegay in shanta dowlad goboleed iyo Villa Soomaaliya ay ku jiraan “qol mugdi ah,” taas oo muujineysa in meesha ay ka socoto wada hadal aysan furanayn oo aan dhexdhexaad ahayn. Wasiirku wuxuu si toos ah ugu dhaleeceeyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ku andacooday in qodobada shirka ka soo bixi doona uu horey isaga u diyaariyay, taasina ay meesha ka saarayso wax wada-tashi ah oo dhab ah.
“Qol mugdi ah ayay ku wada jiraan shanta maamul goboleed iyo Villa Soomaaliya, mana ah meel lagu wada-hadli karo,” ayuu yiri Dirir, isagoo intaasi ku daray in madasha shirka aysan wax faa’iido ah lahayn, qodobada laga soo saari doonana ay yihiin kuwo uu madaxweyne Xasan Sheekh horey usii qorsheeyay.
Wasiirka ayaa sidoo kale dhaleeceeyay xubnaha ka qeyb galaya shirka, isagoo sheegay in ay awoodi waayeen inay xalliyaan khilaafaadka waaweyn ee taagan, sida muranka siyaasadeed ee ka dhex taagan Koonfur Galbeed iyo kan Puntland iyo Villa Soomaaliya. Wuxuu ku dooday in shirkan aysan kasoo bixi karin xal waara oo la xiriira arrimaha waaweyn ee qaranka, taas oo muujineysa kalsooni darrada Puntland ay ku qabto madasha.
Shirka Golaha Wadatashiga Qaran, oo galay maalintiisii labaad, ayaa looga hadlayaa arrimo xasaasi ah oo ay ugu horreeyso arrinta doorashada. Warar hoose ayaa sheegaya in qorshaha ugu weyn ee laga doodayo uu yahay in muddo kordhin loo sameeyo madaxda dowlad goboleedyada, taasoo la filayo in la gaarsiiyo ilaa bisha November 2025. Qorshahan ayaa la sheegayaa inuu yahay mid uu riixayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, halka madaxda dowlad goboleedyaduna ay arrintan danahooda ka dhex arkayaan.
Waxaa sidoo kale ajendaha shirka ka mid ah in la dhiso guddi qaran oo qaban doona doorashooyinka soo socda, iyada oo la kala dirayo guddiyada doorashooyinka ee dowlad goboleedyada. Waxa kale oo shirka lagu taageerayaa dib u eegista dastuurka dalka, iyadoo baarlamaanka Soomaaliya uu horay u sameeyay dib u habeyn cutubyo kamid ah dastuurka.
Arrinta muddo kordhinta madaxda dowlad goboleedyada ayaa noqotay mid xiisad dhalisay, iyadoo weli aan la ogeyn sida siyaasiyiinta xil-doonka ah iyo dadka kale ee danaynaya doorashooyinka ay ugu qanci doonaan in madaxda hadda joogta ay xukunka sii hayaan, iyagoo marar hore sameystay muddo kororsi. Su’aasha ugu weyn ayaa ah sida loogu qancin doono dhinacyada kale ee siyaasadda inay oggolaadaan muddo kordhinta ay madaxda dowlad goboleedyadu raadinayaan.
Waxaa la sugayaa natiijada rasmiga ah ee shirka, iyadoo la filayo in qodobada ka soo baxa ay si weyn u saameyn doonaan siyaasadda dalka iyo sida loo wajahayo doorashooyinka soo socda. Dhinacyada kala duwan ayaa indhaha ku haya in Villa Soomaaliya ay horay usoo dajisay qorshayaal siyaasadeed oo u muuqda kuwo khuseeya danaha dowladda federaalka iyo madaxda maamul goboleedyada oo ay ku jiraan arrimaha doorashooyinka, dastuurka, iyo dib u habeynta dowladda.