Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo muddo dheer hogaaminayay maamulkaas, ayaa sidoo kale waxaa muddo dheer indhaha si weyn loogu hayay goorta ay isaga madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud siyaasadda ku kala tagi doonaan.
Kulankii ugu dambeeyay ee Golaha Wadatashiga Qaran ee ka dhacay magaalada Muqdisho bishii May ee sanadkan ayaa lagu gaari waayay wax qorshe doorasho ah.

Dhawaan ayay tallaabo lama filaan ah qaadeen xildhibaannada maamulka Jubbaland. Talaabadan cusub ee uu baarlamaanka Jubbaland qaaday ayaa u badan in mar kale Axmed Madoobe ay dooran doonaan taas la malaynayo in ay isaga iyo Xasan Sheekh Maxamuud isku seegi doonaan.
Muddada uu xilka hayayay ee labada sano iyo dheeraadka ahoyad, Madaxweyne Xasan Sheekh, waxa uu u muuqdaa inuu jiheyn waayey maamullada, waxaana loo badinayaa in uusan markii horeba laheyn wax siyaasad ah oo gaar ah oo maamullada ku saabsan, iyadoo sida la tilmaamo ujeeddadiisa ugu wayni ay ahayd inuu mar labaad ku guulaysata kursiga ugu sarreeyo dalka. .
Baarlmaanka Jubbaland waxa uu Talaadaddii laalay qodobkii 70-aad ee dastuurka maamulka, kaas oo xadidaayay inta jeer ee hal mudane loo dooran karo hoggaanka maamulka Jubbaland.
Laba jeer ayuu markii hore qodobku dhigayay, taas oo Axmed Madoobe ka hor istaagi lahayd inuu markale noqon karo madaxweynaha maamulka Jubbaland. Hase yeeshee iminka taxa muuqata inuu madaxweynaha Jubbaland iska hor wareejiyay buur ku gudbanayd. Laakin jihada uu maamulka Jubbaland u dhaqaaqay dad badani waxa ay tilmaamayaan in ay dareen iyo kicin gelin doonto maamullada kale ee dalka. Waxaana la aaminsan yahay inuu Madaxeyne Cabdicasiis Lafta-gareen uu noqon doono qofka labaad ee ku dhaqaaqa isku tashi doorasho.