Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa ku tilmaamay dibadbaxyadii dhacay Talaadadii shalay ee looga soo horjeeday canshuur kordhinta, aynu ku galeen baarlamaanka iyo xarumaha kale ee dowladda kuwo khiyaano qaran ahaa. Waxa uu ka digay in tallaabo laga qaadi doono dibadbaxayaasha rabshadaha sameynaya.
Inta la xaqiijiyay 6-ruux ayaa ku geeriyootay in ka badan 100-ruuxna waa ay ku dhaawacmeen, laakiin tiradaasi waxay u badan tahay inay sii kororto.
Khudbad uu jeediyay Mr. Ruto ayuu ku sheegay in dadka mudaaharaadaya ay yihiin dambiilayaal halis ah, wuxuuna digniin culus u diray dadka qabanqaabiyeyaasha dibadbaxayada ah.