Madaxweynaha Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah u furay kalfahiga 5-aad ee Baarlamanka 11-aad. Madaxweyne Xasan ayaa mar kale ku celiyey in Ethopia aaney isku hayn in heshiis la isla ogol yahay wada galaan, balse waxa uu Ethiopia ku eedeeyay in ay doonayso heshiis iyada u gaar ah oo aan lala ogayn.
Geesta kale waxa uu ka jawaabay hadal uu jeediyey Abey Ahmed Ali oo uu ku sheegay in Soomaaliya diidday codsi ay u direen.
“Itooobiya iyadaa adduunyada waregeysa oo leh Soomaaliya hanala heshiisiiyo, xaalkeedana waa hasha geela iyadaa cunaysa oo cabaadeysa”. Ayuu yiri.
Madaxweynaha oo sii wata hadalkiisa ayaa sheegay in Ethopia ay jabisay daris wanaaggii u dhexeeyay labadda dal. Waxa kale oo carabka ku dhuftey in shirkii ka dhacay dalka Turkiga oo uu sheegay in Ethopia ay codsatay shirkaas. Waxa-se uu qirey in Ethopia ay wali mawqifkeedii ku taagan tahay, halka uu sheegay in dawladda Soomaaliya diyaar u tahay wadahadal.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa baaq u diray Soomaaliland oo u soo jeediyey in ay ka laabtaan heshiiska xaaranta ah ee ay la galeen dawladda Ethopia.