Madaxweynaha Soomaaliya ayaaar kale ku celiyey in aan Dalka laga qabanaayo doorasho qof iyo coda.Xasan Sheekh Maxamuud ayaana fagaare ka sheegay in cid kastoo ka hor timaad Iska hor leexin doonaan.
Madaxweyne Xassan Sheikh ayaa yirri” kuma talinayo in la is dilo lkn taasi waxa ay dhici kartaa hadii la yiraahdo doorasho dadban hala aado.
Doc kale madaxweynaha ayaa sheegay in dalka ay daashatey doorasho dadban waxana uu carabka ku adkeeyay in aan lagu laabaneyn Teendhada Afisiyoone ee ku taal xarunta Xalane.
Madaxweynaha oo goordhaw Muqdisho ka hadlay ayaa shegay in dalka kaliya ay ka dhici karto doorasha qof iyo Cod ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh “Doorasho waa Qof iyo cod, meel kale oo loo laabto ma jirto. 24-sano ayaan ku soo jirnay doorasho dadban, maantana ka noqon mayno in aan aadno doorasho qof iyo cod ah.”