Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Madaxtooyada ku saxiixay buugga tacsida Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka, Marxuum Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
Alle ha u naxariistee gudoomiye Jawaari ayaa ahaa siyaasi in badan ka shaqeeyay dowladnimada Soomaaliya.Waxa uu geeriyooday 28-ka bishii aynu kasoo gudubnay. Madaxweynaha ayaa xusay doorka taariikhiga ah ee marxuumku uu kasoo qaatay horumarinta iyo dhismaha hay’adaha dowladeed ee Soomaaliya.
Dhinaca shaqada waxa uu xilal kala duwan ka soo qabtay dawladdii militariga ahayd ee Soomaaliya, isaga oo agaasime guud, xoghaye joogto ah iyo wasiirba ka soo noqday wasaarado dhowr ah. Waxa uu soo noqday Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka, Dhulka iyo Cirka iyo Arrimaha Bulshada.
Dhinaca kale, waxa uu sanadkii 1970-kii Guddoomiye Jawaari ka mid noqday masuuliyiin diyaarisay Sharciga Shaqada ee dalka. Sharcigan oo looga gol lahaa dib u habaynta meelaynta shaqaalaha iyo qiimaynta xirfadlayda. Xilligaa waxaa xeerka sharciga shaqaalaha Soomaaliya la waafajiyey xuquuqda shaqaalaha ee caalamiga ah. Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari waxa kale oo shaqooyin dhinaca arrimaha bulshada ah ka qabtay dalka Norway oo uu ku noolaa intii burburka dalka Soomaaliya uu jiray.
Dhinaca dastuur u sameynta Soomaaliya, waxa uu bishii May ee sanadkii 2008-dii ilaa iyo bishii December ee sanadkii 2010-kii la taliye oo dhinaca dastuur sameynta u ahaa Xafiiska Siyaasadda QM ee Arrimaha Soomaaliya iyo waliba hay’adda UNDP.
Waxa uu intaas ka dib noqday Guddoomiyaha Guddiga Khubarada Dastuurka oo dib u eegis ku sameynayey qabyo qoraalka dastuurka iyo diyaarinta dastuurka si loo ansixiyo.
Maxamed Cismaan Jawaari waxa uu ku hadli jirey luuqadaha Soomaaliga, Carabiga, Ingiriiska, Talyaaniga iyo luuqadda Norwejiga. Xilka guddoomiyenimo ayaa loo doortay sanadkii 2012-kii. Alle ha u naxaristee Jawaari waxa uu ahaa masuul wax badan ka shaqeeyay maslaxada Umadda Soomaaliyeed. Laba jeer ayuu hantiyey in uu hoggaamiyo Baarlamanka Soomaaliya.