Itoobiya ayaa wada qorshihii ay Somaliland ku aqoonsan lahayd,waxayna dadaal ugu jirtaa sidii ay u noqon lahayd dalka ugu horeeya ee ku dhawaaqa aqoonsiga Somaliland inta ka hadhay 26 june.
Madaxwaynaha Somaliland ayaa la filayaa inuu safar ugu baxo maalinta bariya caasimada dalka Itoobiya ee Adis Ababa,oo uu sii anbo qaado heshiiskii is afgarad ee Somaliland sanadkan balawgiisii la gaadhey Dalkaas.
Qodobada,heshiiska waxaa ka mid ahaa in Itoobiya aqoonsato Soomaaliland.Wararka ay Warbaahinta Itoobiya baahinayso ayaa diirada saaraya heshiiska in la dhamaystirayo isla markaana ay hawlaha ay Itoobiya ka socdaan.
Dalal kale ayaa lagu wadaa in ay Aqoonsiga Somaliland ku dhiiran doonaan marka ay Itoobiya qalinka ku duugto.
Dawladda Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa ku kala guurey heshiiskan,Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u goodiyey Itoobiya.
Madaxda sare ee dalkaas ayaa marar kala duwan ku celiyey in heshiiskan wax kasta uga muhiimsan yahay.
Gacanka Badda Casna,waxa ay ku taamayeen kumanaan sano sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen.
Ilo ka ag dhaw Madaxtooyada Soomaaliland ayaa Yeel Media u xaqiijiyey in heshiiska dhacaayo 26ka bishan June.