Wafdi uu hoggaaminaayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka ah ee Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si diirran loogu soo dhaweeyayy Magaalada Berlin ee caasimadda dalka Jarmalka ka dib markii uu martiqaad ka helay R/Wasaaraha Jarmalka Mudane Olaf Scholz.
Madaxweynaha ayaa kulamo muhiim ah la qaadan doono R/wasaaraha dalka Jarmalka mudane Olaf Scholz iyaga oo ka wada hadli doono xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya ee Jarmalka, sida dib u soo nooleynta mashaariicdii farsamada gacanta, isbeddelka cimilada, horumarnita Booliska Soomaaliyeed iyo howlgalka cusub ee Midowga Afrika iyo arrimo kale.
Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya ayaa ka qeybgalayo Shirweynaha maalgashiga Afrika iyo Jarmalka, oo muhiimad gaar ah u leh maalgashiga Soomaaliya, maadaama dalkeennu labadii sano ee la soo dhaafay ku guuleysatay arrimaha deyn cafinta, la dagaalanka AS, ku biirista ururka iskaashiga Bariga Afrika.
Soomaaliya iyo Jarmalka ayaa leh Taariikh soo jireen ah, waxa uuna safarka Madaxweynahu soo cilinayaa iskaashiga Jarmalka oo ah dal muhiim u ah Soomaaliya, taageerada tooska iyo midda Midowga Yurub.