Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Todobaadkan Gobolka Minnasota ee dalka Mareykanka kaga qeybgalaya furitaanka Shir Madaxeedka Afrika ee 2024.
Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka u qaabilsan Afrika Molly Phee ayaa iyaduna khudbad muhiim ah ka jeedin doonta, waxayna bulshada uga warami doontaa siyaasadda Maraykanka ee Geeska Afrika.
Annette Weber, oo ah ergeyga gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika ayaa sidoo kale ku soo biiri doonta shirka, waxayna warbixin ka siin doontaa xaaladaha Geeska Afrika. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale waxaa uu kulamo doceedyo kala duwan la yeelan doona Madaxda ka qeyb galeysa Shirkaas.
Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay dalka dib ugu soo laabtey ayaa mar kale galaya safar kale iyadoo dalka ay ka jiraan xaalado adag waxaana lagu eedeeyey Madaxweynaha inuu ku tagri falaayo hantidda dawladda.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa hore ugu edeeyay madaxweynaha, inuu safarro aan macno ugu fadhiyin qaranka uu galey, hayeeshee Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ololihiisi doorashada kusoo galey “Soomaali heshiisal ah Dunidana la heshiis ah”.
Madaxweynaha tan iyo markii u xilka yimi waxa uu galey safaro aad u tirro badan, waxana ay kor u dhaafayaan 80 safar taasi oo ka dhigan madaxweynuhu uu ka safarro badan yahay 3 madaxweyne oo Soomaaliya soo hogaamiyey, mudda xileedkiisan cusub oo kaliya.