Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan dalka Turkiga ayaa halkaasi ka wada kulamo kala duwan oo uu la qaadanayo masuuliyiinta sar-sare ee dowladda Turkiga.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa kulan gaar ah magaalada Ankara kula qaatay Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan.
Kulanka labada masuul oo ahaa mid arrimo dhowr ah lagu falanqeeyay ayaa waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray arrimaha quseeya iskaashiga labada dal iyo dadaallada wadajirka ah ee lagu horumarinayo xasilloonida gobolka.
Madaxweyn ah Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalmihii u danbeeyey safaro kala duwan ugu kala gooshey dalalka Norway, Turkiga, Switzerland oo uu dhamaantood kula kulmey madax kala duwan waxana ay badi ka wadda hadleen sidii loo sii anbo qaadi lahaa dedaaladda lagu oo afjaraayo Al Shabaab.
Safaradda tiro beelka ah ee uu Xasan Sheekh Maxamuud galey ayuu kala kulmey dhaliilo culus waxaana madaxweynaha loosoo jeediyey inuu dalka gudihiisa ku mashquulo intii uu diiradda saara lahaa siyaasadda arimaha dibadda.
Laakinse taas badalkeedda Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ololihisii kusoo galey”Soomaali heshiisa,dunidana la heshiisa”.balse waxaad moodaa in taas hog-dheer ku dhacdey madaama muda xileedka madaxweynaha ay ka hadhsan tahay wax ka yar sanad iyo lix bilod.
Meelo badan oo dalka ahna ay ka jiraan colaado sokeeye,oo ay dheer yihiin weeraradda ay gaysanayaan Al Shabaab.