Dowladda Mareykanka ayaa sii xoojinaysa taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca tababaridda iyo tayaynta saraakiisha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Waxaa dhowaan soo gaaray magaalada Muqdisho wafdi ka socday FBI-da Mareykanka, kuwaas oo u yimid inay ka qeyb qaataan horumarinta iyo kobcinta xirfadaha booliska Soomaaliyeed.
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, S/Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi, ayaa qaatay kulan muhiim ah oo uu la yeeshay xubnahan FBI-da ka socda, kuwaas oo ah khubaro sare oo ku takhasusay amniga iyo tababarada ciidanka.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dhinac iyo kaalinta ay FBI-da Mareykanka ka qaadan karto kobcinta aqoonta iyo xirfadaha saraakiisha booliska Soomaaliyeed.
Taliye Asad ayaa si gaar ah saraakiisha Mareykanka kala hadlay ahmiyadda ay leedahay in la kordhiyo tababarada iyo sidii dib u habeyn buuxda loogu sameyn lahaa hannaanka shaqo ee ciidanka booliska, si loo helo ciidan boolis oo casri ah oo awood u leh inay wax ka qabtaan caqabadaha amni ee dalka ka jira.
Saraakiisha FBI-da ayaa bogaadisay dadaalka muuqda ee lagu horumarinayo Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, waxayna ku ammaaneen dadaalka dowladda Soomaaliya ay ku bixineyso dardargelinta iyo casriyeynta ciidanka. Waxaa sidoo kale la sheegay in FBI-da Mareykanka ay qayb muhiim ah ka tahay taageerada la dagaallanka AS, iyagoo Soomaaliya ka caawinaya dhinacyada farsamada iyo tababarada gaarka ah ee ku saabsan amniga qaranka.
Iskaashigan diblomaasiyadeed ayaa muujinaya sida Mareykanku u daneynayo inay ka taageeraan Soomaaliya dhismaha nidaam boolis oo tayo sare leh, kaas oo gacan weyn ka geysan kara amniga guud ee dalka, gaar ahaan sidii loo xaqiijin lahaa amni buuxa iyo xasilooni waarta.