Ciidamada Itoobiya ayaa lagu soo waramayaa inay la wareegeen dhammaan garoomada diyaaradaha ee gobolka Gedo ee dalka Soomaaliya, kuwaas oo ay ka mid yihiin garoomo muhiim ah sida Luuq, Doolow, iyo Baardheere.
Tallaabadan ayaa timid kaddib markii warar soo baxaya ay sheegayaan in dowladda Soomaaliya ay qorsheyneyso in kumanaan askari oo ka socda Masar la geeyo gobollada Soomaaliya ee xuduudka la leh Itoobiya.
Dhaqdhaqaaqa ciidamada Itoobiya ayaa lagu soo waramayaa inuu kor u qaaday xiisadda gobolka Gedo, iyadoo ciidamada Itoobiya ay haatan kalsooni ka haystaan maamulada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, kuwaas oo horey si cad uga soo horjeestay in ciidamada Itoobiya laga saaro deegaanadooda.
Maamuladan ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ay kaalinta mug leh ka qaadanayaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan, oo kasoo jeeda gobolka Gedo, ayaa mar sii horreysay sheegay in bixitaanka ciidamada Itoobiya uu u noqon doono faa’iido weyn kooxda Al-Shabaab.