Maamulka KMG ah ee SSC-khaatumo iyo urur goboleedka IGAD ayaa ka wada-hadalay arrimo ku aadan maxaabiista ay kala qabsadeen iyaga iyo Somaliland, kadib dagaalladii ka dhacay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
IGAD ayaa SSC kala hadashay suurtagalnimada inay sii deyso maxaabiista ay gacanta ku heyso, si ay Somaliland isku dhaafsadaan dadka ay kala haystaan.
SSC-Khaatumo ayaa shuruud adag ku xirtay sii deynta maxaabiista ay haysato waxayna sheegtay in marka hore ay labada dhinac galaan wadahadallo maamulo siman oo kale, ayna sidaas ku wada hadlaan iyaga iyo Somaliland.
Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dartay in maxaabiista u xiran la qabtay, iyaga oo dambiga gacanta kula jira, isla markaana ay horgeyn doonaan maxkamad, si looga qaado tallaabo adag.
Saraakiisha u xiran maamulka Khaatumo,waxaa ku jira 5 kamid ah hoggaamiyeyaashii qeybta ugu muhiimsanaa ciidanka Somaliland, kuwaas oo qaarkood warbaahinta ka hanjabi jiray intii uu socday dagaalkii culus ee aagga magaalada Laascaanood.
Waxaa ugu sareeya saraakiisha Soomaaaliland laga hayo,Faysal Cabdi Bootaan oo ahaa taliyihii hogaaminayey,ciidanka dagaalka kula jirey SSC Khaatumo.dagaalkii maamulka Soomaaliland ku jabeen,ayaa looga qabsadey maxaabiis gaareysa 300 oo maxbuus.