Mohammed Deif wuxuu hoggaaminayay Izz al-Din al-Qassam, oo ah garabka militari ee dhaqdhaqaaqa Xamaas.Inta badan waxa laga ogyahay Deyf waa warbixinnada ay shaaciyeen warbaahinta Israa’iil iyo Falastiin. Waxay sheegeen in Deyf uu ku dhashay xerada Qaxootiga ee Khan Yunis ee ku taala Qaza 1965-kii.
Maxamed Diab Ibrashim al-Masri ayaa loo bixiyay markii uu dhashay balse markii dambe wuxuu la magac baxay Deyf oo macnaheedu yahay “marti”..
Wax badan lagama oga barbaarintiisii iyadoo ay socdaan khilaafka sii kordhaya ee u dhexeeya Israa’iil iyo Falastiin oo raad aan la iloobi karin ku reebay Bariga Dhexe.
Waa nin aa inta badan la arag oo Falastiiniyiintu u yaqaannaan ninka caqliga badan, halka Israa’iiliyiintu u yaqaannaan Bisadda leh Sagaal Nafood.
Dowladda Israa’iil ayaa xabsiga dhigtay sanadkii 1989, kadib markii uu aasaasay al-Qassam iyadoo ujeeddadu ahayd in lagu soo qabto saraakiisha Israa’iil.
Kadib sii deyntiisii, wuxuu gacan ka geystay dhismaha godadka dhulka hoostiisa ee dagaal-yahannada Xamaas u oggolaaday inay gudaha Israa’iil ka galaan Gaza.
Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in duqeyn dhanka cirka ah ay ku dileen madaxii garabka milatari ee Xamaas oo lagu magacaabi jirayMaxamed Deif.Duqeynta ayay sheegeen milatarigu in ay dhacday 13-kii bishii dhamaatay ee Juulay, ayna ka dhacday Qasa.Deif ayaa lagu bartilmaameedsaday sida wararku sheegayaan xero ku taalla aagga Khan Younis oo Qasa ka tirsan.
Milatariga Israa’iil ayaa xilligii ay duqeyntu dhacday sheegay in taliye kale oo Xamaas ka tirsanaa laguna magacaabi jiray Rafa’a Salemeh, lagu dilay duqeynta, laakiin waxay sheegeen markaa in aysan haynin xaqiijinta warka la xiriira geerida Deif.