Wada xaajoodyada ku saabsan maalgalinta ciidamo cusub oo beddela kuwa haatan jooga Soomaaliya ee ka socda Midowga Afrika ee ATMIS, ayaa noqday arrimo xaajadoodu adag tahay oo ay ka cago jiidayaan Midowga Yurub iyo Maraykanka. Midowga Yurub ayaa doonaya in la helo amar ka adag kan ay Soomaaliya rabto ee ah in ciidamo cusub lagu aasaaso, sida ay sheegeen saddex ka mid ah ilo-diblomaasiyadeed oo si dhow arrimaha ammaanka dalka ula socda.
Madaxtooyada Soomaaliya iyo xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaan wax jawaab ah ka bixin qorshaha ay doonayaan waddamada reer galbeedka ee ah in qorshaha ciidamada cusub uusan noqon mid lagu degdego.
La-taliyaha Amniga Qaranka, Xuseen Sheekh Cali, ayaa sheegay in codsiga dib u dhigista bixitaanka ATMIS ee bishan uu yahay mid la doonayo in lagu waafajiyo qorshaha dhimista howlgalka.
Afhayeen u hadlay Midowga Yurub ayaa sheegay in ay taageerayaan, mabda’ ahaan, soo jeedinta dowladda Soomaaliya ee dhismaha howlgallada cusub. Balse afhayeenku wuxuu sheegay inay muhiim tahay in laga fogaado gal-daloolooyin xagga amniga ah iyo galitaanka kharashaad aan loo baahnayn oo ka badan howlgalka hadda jira.
Labo diblumaasi oo ay wareysatay wakaaladda wararka ee Reuters, kuwaas oo ka gaabsaday in magacooda la shaaciyo, ayaa sheegay in Mareykanka iyo Midowga Yurub ay doonayaan in ay hoos u dhigaan howlgallada nabad ilaalinta ee Soomaaliya, sababtoo ah waxay ahmiyad dheeraad ah siinayaan Ukraine iyo Gaza, waxayna doonayaan in Soomaaliya ay qaadato mas’uuliyadda ammaankeeda.