Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Ra’isal wasaaraha dalka Ethiopia Md. Abiy Axmed, ayaa 1 bishii January sannadkan 2024, waxay heshiis is faham, oo dhawr iyo toban qodob ka kooban waxay ku kala saxeexdeen magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia ahna xarunta midawga Afrika.
Labada qodob, ee ugu weyna heshiiska isfaham, waxay kala ahaayeen Ethiopia oo si rasmi ah u aqoonsata Somaliland, noqona doonta, dalkii ugu horeeyay ee aqoonsada Somaliland, taasi badalkeedana, Somaliland waxay u ogolaanaysa Ethiopia saldhig military, oo kiro ah, oo laga siiyo xeebaha Jamhuuriyadda Somaliland.
Heshiiska ayaa la filaayay in muddo afar usbuuc ah oo ugu danbayn ku eka 15 bishii February la saxeexo.
Haddaba maxaa dib u dhigay?
Sida ilo wareedyo diblomaasiyadeed oo aanan magacaabayn, oo aan soo xiganaya, ii sheegeen, markii labada dal, ee Ethiopia iyo Somaliland, ay heshiiska naaqishaadiisa iyo hirgalintiisu u magaacabeen laba guddi oo farsamo, waxaa dhinaca Somaliland ku lamaana gudida farsamo, khubaro sharciyaqaano ingiriis ah iyo maraykan ah, oo ku takhasusay sharciga caalamiga ah, sharciga badaha iyo sharciga qaanuunka dawladaha (Sovereign litigation lawyers), oo kala shaqaynaayay unkidda farcamayaasha qodobadda sharciga loo badalayo, ee labada dal kala saxeexanayaan.
Qodobadda haddaba dib u dhigay, waxaa ugu weyna muddada kirada bugcadda saldhiga Military, oo Ethiopia markii hore doonaysay, in laga dhigo 99 sanno, waxaa la isla gartay in laga dhigo 50 sannadood, lagana jaro 49 sannadood.
Lacagta kirada saldhiga, oo Ethiopia markii hore soo bandhigtay, in lagaga badasho cadad shuraako ah (share percentage), oo diyaaradda Ethiopia Airlines ah, Somaliland way diiday, waxaana loo badalay heshiiska lacag toos ah, oo ay kirada saldhiga Ethiopia ka bixin doonto sannadkii.Caqabadda Diblomaasiyadda ee Aqoonsiga Ethiopia siinayso Somaliland.
Ethiopia, waxay codsatay, in muddo la siiyo, si ay ugu babac dhigto, culaysyada kaga imanaya dibadda, ee ka dhan ah aqoonsiga ay Ethiopia siinayso Somaliland, dalka ugu weyna, ee cadaadiska ku hayay wuxuu ahaa, dalka Maraykanka, qaddiyadda ugu weyn, ee ay Soomaaliya ka dhaadhicisay Maraykanka ayaa ahayd “Haddii Ethiopia aqoonsato Somaliland waxaa xoogaysanaya kooxda Alshabaab”.
Gudaha dalka Maraykanka, gaar ahaana xarumaha u ololeeya siyaasadaha dalka maraykanka (US State Department lobbyists), waxaa ka bilaabmay dood odhanaysa, Haddii Ethiopia Somaliland aqoonsato, sidee ay dagaalka lagula jiro Alshabaab u wiiqmaysa, waxaana doodda ku guulaystay Ethiopia.Usbuucii hore ayey ahayd, markii culaysyada siyaasadeed soo af go’een, waxaana ay culaysyadaasi ku soo gunaanadmeen, magaalooyinka Ankara iyo Doha.
Hadda, waxaa guddiyada farsamo ee labada dal, iyo khubarada garyaqanada ee labada dal, ay soo dhamaystireen falkinta, habaynta iyo qorista qodobadda heshiiska kama danbaysta ah, ee ka farcamay heshiiskii Is afgarad, oo noqon doona heshiis sharci oo dhaqan gal ah, oo hadda diyaar u ah, in madaxda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Ethiopia ay saxeexan.
Xigasho:- Mohammed Abdi Hassan Diridhaba