Wararka ka imaanaya magaalada Ceerigaabo ayaa sheegaya in maanta uu dagaal ka dhacay meel dhinaca Koonfureed magaalada Ceerigaabo kaga beegan oo la sheegay in qiyaastii ay u jirto magaalada 10 ilaa iyo 15 kilomitiri.
Magaalada oo shalay ay ku dagaallameen ciidamada booliska ee magaalada iyo dhallinyaro ka soo jeeda deegaanka ayaa la sheegayaa in maanta qeybo ka mid ah ay daganeyd.
Dagaalka ayaa la sheegay in uu salka ku hayo dhallinyarada deegaanka oo taageersan Khaatumo ay doonaya in ay ka hirgeliyaan magaalada maamul ay leeyihiin halka Somaliland ay dooneyso sida la sheegay in magaalada ay ku shaqeyso heshiiskii hore ee lagu dhistay Somaliland.
Muuqaallo la soo dhigay baraha bulshada ayaa lagu arkayay gadiid hubka culus saaran yahay oo magaalada dhexdeeda socda balse muuqaallo kale oo kuwaas ka dambeeyay ayaa muujinaya in magaalada ay caadi tahay.
Fadhigii ugu horeeyay ee ay yeesheen ilaa iyo markii la magacaabay golaha wasiirada Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland ayuu madaxweyne Cabdiraxman Maxamed Cabdillahi “Cirro” kaga hadlay arrimaha amni ee ka taagan gobolka sanaag, gaar ahaan degmada Ceerigaabo.
Af-hayeenka Madaxweynaha Somaliland Xuseen Aadan Cige (Deyr) oo shirka kaddib ka hadlay ayaa sheegay in madaxweynahu uu ku baaqayo nabad.
“Wuxuu markale madaxweyne ku celiyay baaq nabadeed, in ay xukuumadiisu diyaar u tahay dadka in ay walaaleyso, cid kasta oo wax tabaneysa in ay hor fariisato”.
Ma jiraan warar madaxbannaan oo xaqiijinaya khasaaraha iyo dagaalka inta uu Inta uu gaarsiisan yahay.
Ma ahan markii ugu horeysay ee Ceerigaabo iyo deegaanada u dhow uu dagaal ka dhaco. Bishii Agoosto ee sanadkan dagaal ayaa ka dhacay meel u dhow deegaanka Goof oo qiyaastii 40 KM ka baxsan magaalada Ceerigaabo.
Dagaalka ayaa u dhexeeyay laba ciidan oo lagu sheegay miliishiyooyin, kuwaasoo iska dilay ugu yaraan 9 qof. Dadka deegaanka oo BBC ay la xiriirtay waxay xiligaas u sheegeen in iska horimaadka uu daba socdo dil ka dhacay magaalada Ceerigaabo
Sanadkii ka sii horeeyay ee 2023-kii, magaalada Laascaanood waxaa ka qarxay colaad uu dhiig badan ku daatay oo dhex martay wax markii dambe u xuubsiibtay dagaal toos ah oo dhex maray ciidan taageersan maamulka Khaatumo ee sheegta gobollada Sool Sanaag iyo Cayn, iyo milateriga Somaliland.
Dagaalkaas waxa uu socday ilaa iyo 25kii Agoosto ee isla sannadkaas, wuxuu ka billowday dilka nin aad looga yaqaannay magaalada oo la oran jiray Cabdifataax Cabdullaahi Cabdi (Hadraawi), waxaana dagaalkaas ku dhintay boqolaal qof, ayadoo tiro intaa ka bandanna ay ku dhaawacmeen, halka ay boqolaal kalena ka barakaceen magaalada oo uu burbur weyn dagaalka ka soo gaaray.
Magaalada Ceerigaabo waa meel ka duwan deegaanada kale ee Soomaalida ee heerkulkoodu sareeyo.
Ceerigaabo waa magaalo lagu yaqaan qabow, waxaana la sheegaa in heerkulka magaalada uu gaaro 4 darajo, taas oo uu dhaw heerka ay biyuhu ku barafoobaan. Qabowga magaalada lagu yaqaan ayaa keena in dad badan ay xirtaan bustayaal qabowga dartii.
Magaalada Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag ayaa waxaa lagu tilmaamaa meelaha ugu quruxda badan dhulka Soomaalida iyadoo caan ku ah beerashada.
Gobolka Sanaag oo Ceeriogaabo ka tirsan tahay waxa lagu yaqaan buuraha caanka ah ee Deelo iyo Surad oo heeso badan oo ammaan ah lagu daray magacyadooda. Waxyaabaha kale ee gobolka aadka loogu yaqaan waxaa ka mid ah beeyada.