.
Kulan taariikhi ah ayay shalay isku hor fariisteen guddi farsmo oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ka socday iyo guddi farsamo oo ka socda UNSOM. Wadaxaajoodkan oo hadda billow ah ayaa toddobaadyada soo socda sii xoogeysan doona, iyada oo labada guddi looga fadhiyo in ay dejiyaan jadwal UNSOM looga wareejinayo howlaha ay ka hirgeliso Soomaaliya.
Howlaha xafiiska siyaasadda Qaramada Midoobay waxaa qaarkood la wareegi doonta dowladda Soomaaliya, qaar kalena waxaa sii wadi doona xafiiska Qaramada Midoobay ee kan hadda jira beddeli doona oo ah mid la nooc ah xafiisyada QM ay ku leedahay dalalka caalamka badankood.
Guddiga farsamo ee Soomaaliya oo ay xubno ka yihiin mas’uulyiin ka socda xafiisyada Madaxweynaha, Ra’iisal Wasaaraha, Wasaaradaha Arrimaha Dibadda iyo Amniga Qaranka, waxaa hoggaaminayay Danjire Yusuf Garaad Cuma. Dhinaca UNSOM, inkasta oo Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud, Danjire James Swan, uu khadka telefoonka New York uga qeyb galay, waxaa hoggaamiayay, George Conway, oo ah ku xigeenka Eregyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.
Tallaabadani waxay lagu tilmaamay in ay astaan u tahay horumarrada ay dowladda Soomaaliya ka gaarayso dhanka siyaasadda dibadda, iyada oo sannadka soo socda ee 2025 ay Soomaaliya xubin aan joogta ahayn ay ka noqon doonto Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay.