Feedhyahannada Imaan Khaliif oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Algeria ayaa ku guuleysatay tartan feedh oo ay la gashay Angela Carini oo ka socotay dalka Talyaaniga. Tartankan ayaa Imaan Khaliif, oo hore u ahaan jirtay nin, ay ku dawikhisay Angela Carini oo tartanka jirtay kaliya 46 ilbidhiqsi ka hor intii aysan isdhiibin kadib markii ay u adkeysan weyday feedhkii xoogga badnaa ee Imaan.
Feedhkii xoogga badnaa ee Imaan Khaliif ayaa si xun u saameeyay Angela Carini. Markii tartanka bilowday, Imaan waxay si deg deg ah ugu qaadday weeraro feedh, iyadoo mid ka mid ah feedhkaasi uu si toos ah ugu dhacay sanka Angela Carini. Angela ayaa ka wareertay feedhkaas xoogga badnaa, waxaana ay go’aansatay inay garoonka ka baxdo iyadoo ooyeysa, taasoo muujineysa dhaawacii iyo wareerkii ay ka soo gaartay feedhka Imaan.
Arrintan ayaa muran badan ka dhalisay saxaafadda caalamka iyo guddida ciyaaraha Olombikada Adduunka. Waxaa lagu eedeeyay guddida inay iska hor keeneen qof hore nin u ahaan jiray oo haysta awoodda ragannimada iyo gabadh dumar ah oo doonaysay in ay la tartanto qof iyada la mida. Tani waxay keentay su’aalo badan oo ku saabsan caddaaladda tartanka iyo badbaadada ciyaartoyda dumarka ah.
Imaan Khaliif ayaa hore looga reebay tartanno caalami ah kadib markii laga cabsaday in ay waxyeello u geysan karto dumarka ay doonaysay inay la tartanto. Cabsidan ayaa salka ku haysay awoodda jirka ee Imaan oo ay weli ka hayso ragannimadii hore. Tani waxay keentay in guddiyada ciyaaraha ee caalamiga ah ay ka fiirsadaan sidii ay u maareyn lahaayeen tartannada dhexmaraya dadka bedelay jinsigooda iyo tartamayaasha kale.
Muranadan ayaa sare u qaaday su’aalaha ku saabsan caddaaladda tartamada isboortiga iyo amniga ciyaartoyda. Waxaa jirta baahi weyn oo loo qabo in si faahfaahsan loo qiimeeyo saameynta ay leedahay in tartan loo ogolaado dadka bedelay jinsigooda, gaar ahaan marka ay tartamayaan dumarka, si loo hubiyo in tartanka uu yahay mid caddaalad ah oo badbaado leh.
Guusha Imaan Khaliif ee tartanka feedhka ayaa dhalisay muran iyo dood caalami ah oo ku saabsan caddaaladda tartamada isboortiga iyo amniga ciyaartoyda. maadaama aya gabadhan markii hore nin ahayd.