Madaxweynihii hore ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa hambalyeeyey Madaxweynaha ay dhawaan doorteen shacabka reer Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).
Sidoo kale Muuse Biixi ayaa aqbalay oo soo dhaweeyey natiijada ku-meel-gaarka ah ee kasoo baxday guddida doorashooyinka dhawaan dhacay ee lagu doortay Madaxweynaah Cusub.
Ugu horrayn Muuse Biixi Cabdi waxa uu si mug iyo miisaan leh ugu mahadceliyey cid kasta oo ka qayb qaadatay doorashooyinkii madaxtooyada iyo xisbiyada ee qabsoontay sida shacbiga reer Somaliland ee codkooda sida nabadgelyada ah u dhiibtay, guddidii doorashooyinka, axsaabtii iyo ururradii tartamayey iyo ciidamadii amniga ilaalinayey.
Muuse Biixi Cabdi waxa uu si cad u sheegay inuu aqbalay guusha xisbiga WADDANI kasoo hooyey doorashooyinkii dalka ka dhacay, murashaxiintiisana ku hambalyeynayo xilka culus ee la saaray, waxana uu yiri,“Waxan halkan ka caddaynayaa inaanu aqbalnay natiijadii doorashada kasoo baxday oo uu ku guulaystay xisbiga WADDANI, sharcigana ay tahay sharafta iyo Qaran-dhiskuna sidaa yahay.”
isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaas ku daray,“Ma aha maalin aynu murmaynno oo aynu isku qabsanayno oo dhexdeenna khilaaf ka imanayo’e waa maalin aynu wada guulaysannay” ayuu yiri Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.