Dhacdo aad u murugo badan ayaa xaley ka dhacday dalka Koonfur Afrika waxaa hal meel lagu gubey muwaadiniin Soomaaliyeed oo dalkaasi ka ganacsadda waxaana ku geeriyoodey hal ruux.
Sida aan xogta ku helnay waxaa la gubay dukaamo ay leeyihiin mudawaadiniin Soomaaliyed oo ka ganacsadda dalka Koonfur Afrika dabka la xuluuliyey tukaamadooda ayaa waxa ku dhaawacmey laba ruux halka uu ku geeriyoodey Allle ha u naxariistee Cabdifataax Xarbi .
Dalka Koonfur Afrika waxaa marar badan ka dahca dhacdooyin argagaxa oo loo geysto muwaadiniin Soomaaliyueed oo ka shaqaysta dalkaas.
Gudomiyaha Jaaliyada save Somali Community ee South Africa Cabdi Calas Guure ayaa Dalsan uga waramay ganacsato Soomaaliyeed oo dukaankooda lagu gubay dalkaasi waxana uu tacsi u direy eheladda Alle ha u naxaristee Cabdifataax Xarbi
Geesta kale waxa uu baaq culus u direy dawladda Soomaaliya oo uu ugu baaqay in ay soo faragaliyaan xaalka ka taagan Koonfur Afrika ee lagu beegsanaayo muwaadiniinta Soomaaliyeed.