Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka hadley heshiiskii xaaraanta ahaa ee ay Soomaaliland la gashey Itoobiya. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa daboolka ka qaadey war weyn oon laga fileyn. Waxa uu sheegay in aynaan Itoobiya u diidanayn in ay yimaadaan Xeebaha Somaaliya balse la isku hayo hannaanka loo maraayo.
Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa horay u sheegay in madaxda Soomaaliya ay doonayaan in ay iyaga heshiiska saxeexaan si dawladda Itoobiya u soo degto xeebaha Soomaaliya.
Gacanka Cadmeed ee Bada Cas ayaa ah marin muhiim ah oo isku xidha dunidda. Dowladda Itoobiya ma rabto xeebaha kale ee dalka, balse waxa ay boqolaal sano u hanqal taageysay xoog iyo xeeeladba in ay ku qabsato seebta Saylac ee Waqooyiga Soomaaliya.
Madaxweynaha Jamuuriyadda oo maanta khudbad ka jeediyay, shirka dhaqaalaha Bulshada Bariga Afrika oo ka socda xarunta Afisiyoone ee xayn-daabka xerada Xalane ee Muqdisho, ayaa dhinacyo badań erayo ku taabtay.
”Sida Itoobiya lafteedu u gaadho xeebta Jabuuti xeebta Kenya ayaan rabnaa in Itoobiya usoo gaadho xeebaha Soomaaliya”.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo sii wata hadalkiisa ayaa yidhi “Shacabka Itoobiya iyo shacabka Soomaaliyeed maanta waa deris, barina ayaan ahaan doonaa, laakiin in ay shacabka jahawareeran oo si aan jirin wax loogu sheego waan diidannahay”.
Dawladda Soomaaliya ayaa markii uu soo baxay heshiis is afgaradka ee dhex marzy Ethiopia iyo Somaliland kaaso oo sida la sheegay qorayay in Ehtiopia ay hesho xeeb ay kiraysato bedelkeedana ay Somaliland aqoonsan doonto, waxa ay dowladda Soomaaliya qaadday talaabooyin aad u culus iyadoo culays-yo diblumaasiyadeed saarey Itoobiya.
Shacbiga Soomaaliyeed ayaa si weyn uga bannaanbaxay heshiiskaan oo aan weli la dhaqan gelin isla markaana aanan la ogayn xilliga uu dhaqan geli doono.