War-murtiyeed ka soo baxay Golaha Amniga ee Midowga Afrika ayaa lagu sheegay in hawlgalka cusub ee Soonaaliya ee ee ay hugaamin doonaan Midowga Afrika uu noqon doono mid diiradda lagu saarayo sidii Soomaaliya looga kaalmeyn lahaa baabi’inta ururka argagixisada ah ee Al-shabaab.
Golaha Amniga Midowga Afrika ayaa sheegay in hawlgalkaan cusub uu si gooni ah u noqon doona “mid amni ku soo dabaala Soomaaliya, muhiimadiisuna tahay in lagu ilaaliyo dadka rayidka ah.”
Sidoo kale waxa uu sheegay golahaan in hawlgalku diiradda saari doono kaalmeynta amniga iyo xasiloonida Soomaaliya.
“Hawlgalkaan uu hugaaminayo Midowga Afrika waa in uu gacan ka gaystaa xasiloonida iyo amniga Soomaaliya” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka.
Inkasta oo aan la xusin tirada ciidamada hawlgalkaan qaybta ka noqon doona, war-murtiyeedkan oo ka soo baxay Addis Ababa 20 kii bishaan waxaa lagu sheegey in ciidamadaan door ka qaadan doonaan hawlgallada ka dhanka ah argagixisada, iyaga oo lahaan doonaan, “wadiiqooyin cad cad, xiriir iyo nidaam wadajir ah oo qshaysan,, talis dhexe, iyo qaabab xogta la isula wadaago,”.
War murtiyeedka waxa lagu sheegay in goluhu uu go’aan ku gaaray in ay muhiim tabay in hawlgalkan uu helo sharciyad siyaasadeed oo adag oo la Isla oggol yahay oo munaasib ku ah waqtiga iyo waaqaca Soomaaliya, si ay u hirgalaan himilooyinka howlgalkan.
“Waqtiga iyo sharciyada hawlgalka, ATMIS ka dib, waa in uu ka turjumaa waaqaca amni iyo kan siyaasadeed ee Soomaaliya, lana siiyaa waqti macquul ah oo xaqiiqada ku qotoma,” ayaa lagu yiri war murtiyeedka.