Saacadihii ugu dambeeyay, dalka waxaa hareeyay hadal hayn iyo jahawareer siyaasadeed oo xoogan ka dib markii labada dhinac ee Dowladda Federaalka iyo Jubbaland ay soo saareen waraaqo waaran ah oo si weyn u kicinayay khilaafka u dhexeeya labada dhinac. Waraaqahaas ayaa dhaliyay xaalad muran iyo jahwareer siyaasadeed oo ka taagan dalka, iyadoo labada dhinac midba midka kale ku eedeeyay falal culus.
Dowladda Federaalka ayaa Axmed Madoobe, madaxweynaha Jubbaland, u dirtay waaran soo qabasho oo uu ka buuxo eedeyn culus. Warqadda kasoo baxday Maxkamadda Sare ee dalka ayaa lagu amray Taliyaha Booliska inuu soo qabto Axmed Madoobe, kaasi oo maalmo ka hor Kismaayo isku doortay madaxweyne. Dowladda Federaalka ayaa ku eedeysay Axmed Madoobe inuu ku kacay dambiyo waaweyn, sida inuu sirta Qaranka Soomaaliyeed u gudbiyay dalal shisheeye, iyo eedeymo kale oo culus oo ka dhan ah amniga qaranka.
Laakiin xaaladdu waxay sii cakirmatay markii Jubbaland ay soo saartay warqad waaran ah oo lagu soo qabanayo madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud. Warqaddan ayaa dhaliyay layaab iyo codad kala duwan oo ka soo baxay bulshada, iyadoo la isweydiinayo sida uu madaxweynaha Soomaaliya uu noqon karo eedeysanaha laga soo saaray warqadda.
Waxaa la sheegay in warqadda Jubbaland ay tahay mid ka dhan ah madaxweynaha dowladda federaalka, iyadoo lagu eedeeyay Xasan Sheekh inuu ku kacay falal ka dhan ah midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, waxaana lagu soo eedeeyay in uu jebiyay xeerar badan oo ka dhan ah dastuurka dalka.
Warqadda Jubbaland ayaa si faahfaahsan uga hadashay eedeymaha loo soo jeediyay Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo ku sheegtay inuu ku lug lahaa falal ka dhan ah qaranimada iyo midnimada dalka, isla markaana lagu soo eedeeyay inuu khilaafsan yahay qodobada muhiimka ah ee dastuurka Soomaaliya.
Bulshada Soomaaliyeed ayaa maanta si weyn uga hadlaya labada warqad ee kasoo baxay labada dhinac, iyadoo hadal hayntu ay ku soo noqonayso warka siyaasadeed ee haatan ka taagan dalka. Axmed Madoobe ayaa loo arkaa inuu yahay caqabad ku hor istaagaya horumarka iyo dowladnimada Soomaaliya, waxaana loo arkaa inuu yahay qof siyaasadeed oo saameyn xooggan ku leh go’aannada siyaasadeed ee dalka.
Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale ciidamo farabadan ka dejisay deegaanka Raaskambooni, waxaana suuragal ah in dagaal xooggan oo toos ah uu dhexmaro ciidanka Dowladda Federaalka iyo kuwa taageersan Axmed Madoobe. Xaaladda ayaa ah mid aad u cakiran.