Ururka Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogaadeeniya (ONLF) ayaa markii ugu horreysay war rasmi ah kasoo saaray khilaafka siyaasadeed ee ka dhex oogan dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland. Warsaxaafadeed kasoo baxay ururka ayaa lagu muujiyay walaac xooggan oo ku saabsan xaaladda cakiran ee ka taagan Jubbaland, taas oo gaartay heerkii ugu xumaa, iskuna beddeshay gacan ka hadal iyo dagaal toos ah oo ka socda gobolka Jubbada Hoose.
ONLF ayaa sheegtay inay ka xun tahay in xiisaddan siyaasadeed ay horseedayso xaalad amni darro oo saameyn weyn ku yeelan karta nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika. Ururka ayaa ku boorriyay labada dhinac ee isku haya Jubbaland, gaar ahaan dowladda federaalka iyo maamulka uu hoggaamiyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), inay ka fogaadaan ficillada keeni kara sii hurinta colaadda, taas oo ONLF ku tilmaantay mid khatarteedu tahay mid ka weyn Soomaaliya oo kaliya.
Warsaxaafadeedka ONLF ayaa lagu xusay in xiisadda ay gaartay heer ay ciidamo isugu soo uruureen deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose, taas oo sii murjisay xaaladda amniga. Ururka ayaa digniin ka bixiyay in colaad kasta oo ka sii fida Jubbaland ay saameyn ku yeelan karto deegaannada kale ee dalka Soomaaliya iyo wadamada deriska ah, iyagoo hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay wada-hadal iyo xalka siyaasadeed oo degdeg ah.
ONLF ayaa ku baaqday in beesha caalamka, gaar ahaan Midowga Afrika iyo dalalka gobolka, ay door muuqda ka qaataan dhexdhexaadinta dhinacyada isku haya Jubbaland, si looga hortago in xiisadda ay ku fido guud ahaan Geeska Afrika. Ururka ayaa sidoo kale xusay in colaadaha noocan ah ay dib u dhac weyn ku yihiin dadaallada lagu doonayo in lagu xasiliyo Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka, iyadoo ay sii adkaaneyso in la gaaro horumar dhinacyada amniga, siyaasadda, iyo dhaqaalaha.
ONLF ayaa ugu dambeyntii ku baaqday in dhammaan dhinacyada ku lugta leh khilaafka Jubbaland ay mudnaanta siiyaan maslaxadda guud ee shacabka Soomaaliyeed, ayna ka shaqeeyaan xal nabadeed oo waara. Ururka ayaa tilmaamay in wada-hadal iyo is-afgarad kaliya ay yihiin habka ugu habboon ee looga gudbi karo caqabadaha siyaasadeed ee hadda taagan, iyadoo laga fogaanayo dagaal dambe oo saameyn xun ku yeesha shacabka iyo deegaannada ay dhibaatadu ka jirto.
Digniinta ONLF ayaa ku soo aadeysa xilli xaaladda siyaasadeed ee Jubbaland ay wali cakiran tahay, iyadoo labada dhinac ay isku hayaan arrimo salka ku haya awoodda maamulka, doorashada, iyo qaab-dhismeedka awood qeybsiga dalka. Indhaha shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamkaba ayaa ku sii jeeda sidii looga gudbi lahaa khilaafkan siyaasadeed oo khatar gelinaya nabadda iyo xasilloonida guud ee dalka.