Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa dhagax dhigay xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya, taas oo qeyb ka ah dadaallada Xukuumadda ee lagu soo celinayo adeegyada muhiimka ah iyo tayeynta kaabayaasha dowladnimada.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in xarumaha dowladdu ay noqdaan kuwo u qalma shaqada iyo adeegyada ay siiyaan shacabka, isaga oo ugu baaqay dhammaan dadka ku sugan ama deggan xarumaha dowladda in ay sida ugu dhaqsiyaha badan uga baxaan, si loo siiyo fursad dib-u-dhiska iyo horumarinta adeegyada qaran.
“Waa muhiim in aan ku shaqeyno xarumo dowladeed oo tayo leh, kuwaas oo bixiya adeegyo hufan oo dadka Soomaaliyeed ka faa’iideystaan. Dib-u-dhiska xaruntan waa qayb ka mid ah qorshaha ballaaran ee dib-u-dhiska xarumaha dowladda, si aan u hubinno in dowladdu ay si hufan u shaqeyso oo shacabku ay helaan adeegyada ay u baahan yihiin,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale baaq u diray beelaha walaalaha ah ee ku dagaallamaya qaar kamid ah gobollada dalka, isagoo ku booriyey inay colaadda nabad ku beddelaan, maadaama xiligan uusan ahayn waqtigii la daadin lahaa dhiigga dadka ehelka ah, xilli ay dadka Soomaaliyeed halgan ugu jiraan sidii ay isaga difaaci lahaayeen cadowga gudaha iyo dibadda.
Dib-u-dhiska Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ka mid ah qorshaha Xukuumadda DanQaran ee dib-u-habaynta xarumaha dowladnimada, si loo xaqiijiyo helitaanka adeegyo tayo leh oo si toos ah looga fuliyo xarumaha dowladda. Tani waxay qeyb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo hay’adaha dowladda iyo kaabayaasha muhiimka ah ee dalka, si shacabka Soomaaliyeed loo gaarsiiyo adeegyo waxtar leh oo ay si weyn uga faa’iideystaan.