Raysal-wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, oo maanta ka hadlay fadhiga 36-aad ee Baarlamaanka Itoobiya ayaa wax ka yiri heshiiska is-faham lagu sheegay ee ay 1-dii bishii January ee sannadkanla Ła saxeexdeen Somaliland.
Raysal-wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ku dheeraaday heshiiskan oo uu ku tilmaamay mid taariikhi ah oo ay wada galeen Soomaaliland iyo Itoobiya. Waxa Abiye ku nuuxnuuxsaday in dowladda Soomaaliya iyo dalalka kale ee daniska ahi ay horay u diideen inay haba yaraatee heshiis badeed kala hadlaan Itoobiya, sidan daraaddeedna ay Somaliland sida uu sheegay ka jawaabtay baahi ay qabeen.

Raysal-wasaare Abiy Ahmed wuxuu sheegay in helista marin baddeedku uu muhiim u yahay Itoobiya oo uu tilmaamay inay korayso dhaqaale ahaan iyo ummad ahaanba.
Heshiiska isfahan ee aanu la galay Somaliland wuxuu yimid kadib markii xukuumadda Soomaaliya ay diiday inay kala hadasho Itoobiya dhinaca baddooda markii horeba.
Ayuu yidhi Raysal-wasaare Abiy Ahmed.
Waxa kaloo uu intaas ku daray in hadafka Itoobiya yahay in labada dalba sida uu u hadalka udhigay (Somaliland iyo Itoobiya) wada faa’iidayaan. Waxaanu ku dooday in aanu dhinacna waxyeello iyo khasaare u yeellan doonin heshiiska is-fahan.
Geesta kalena, Wasiirul-dawlaha Wershadaha dawladda Itoobiya, Md. Tarekegn Bululta, ayaa shaaciyay in la dardargliyo fulinta heshiiska isfaham ee dhex maray Somaliland iyo Itoobiya.