Raysal Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa sheegay in dowladda Ethiopia ay raadinayso taariikh qaldan oo ujeedkeedu yahay dhul raadis.
Xamse ayaa sheegay in Ethiopia aysan u socon bad iyo maalgashi ay ka sameysato dekedaha Soomaaliya, balse ay doonayso inay qaadato qeyb ka mid ah dhulka Soomaaliya.
Ujeedka Ethiopia waa inay saldhig milatari ka sameysato badda cas si ay dalka u qaadato. Annaga mowqifkeenna waa cad yahay. Kenya ayaan isla tagnay, waan u sheegnay in aanan gorgortan ka galayn baddeena, Turkiga ayay nala aadeen haddana waan u sheegnay in aanan marnaba diyaar u ahayn wada hadal kasta oo taabanaya madax bannaanideenna,”
“ayuu yiri Raysal Wasaaruhu.
Xamse ayaa sheegay in Ethiopia looga baahan yahay in ay isi saxdo, iskana illowdo taariikh been ah oo ay doonayso inay kusoo fara galiso dhulka Soomaaliyeed. Waxa uu tilmaamay haddii taariikh hore lasoo faag faago in Soomaaliya ay tahay cidda kaliya ee xisaab uga maqan tahay Ethiopia.
Raysal wasaaruhu waxa uu sheegay in ay soo dhoweynayaan wada-hadal kasta dhexmara Soomaaliya iyo Ethiopia haddii aanu taabanayn arrimaha masiiriga ah ee dalka.