Isagoo isleh iska tiiri qoftaadii hore oo saaxiibkeed uu la socday ayuu iibsaday alaab badan oo uusan doonayn,Sheekadda ninkan ayaa si weyn ugu faaftey baraha bulshadda, Waxa uu yiri “Shalay waxan goob ganacsi kula kulmay gacalisaydii hore oo ay wada socdaan sxbked maanta, waaa ay dhunkatay iyadoo aniga isoo eegaysa, waliba markii ay si fiican ii aragtay, dhowr jeer ayay dhunkatay, waxana ay iwaydiisay intaas kadib waxa aan ka qabanayo goobtan.
Waxaan usheegay in aan caawinayo xaaskayga oo umul ah, oo aan usoo doonay alaab ay ubaahantahay maadaama ay tahay qof aan soo bixi karin, waxana horay ugalay goobtii ganacsi, oo waxaan soo iibiyay alaabta caruurta yaryar sida, shaambo, saabuun, gawaarida ilmaha kudheelaan, dhowr bac oo xafaayad ah iyo alaabo kale oo badan.
Waxaan u wacday Taksi (Uber) aad ayay iisoo eegayeen iyada iyo saaxiibked, wana baxay oo waxan aaday gurigayga, balse dhibaatada ihaysata ayaa ah, in la iiga baahan yahay qarash badan oo korontada iyo adeeg kalaba uu iga doonayo inan lacagtiisa bixiyo,” ee asaxaabey hadad taqaanaan naag ilma dhashay igu soo xira si aan uga iibiyo alaabtii aan usoo gaday si aan iskaga tiiriyo saaxiibtey hore, waxana alaabta ku iibinayaa qiime jaban oo qofkana raaligelinaya” ayuu yidhi ninkan oo fariintiisa lagu faafiyey majalad caana