Shil qasaare badan dhaliyay,ayaa ka dhacay inta u dhaxaysa magaalada Sheekh iyo Burco. Shilkaas baabuur waxaa Alle ha u naxariistee ku geeriyooday Goolhaye Cabdishakuur Boqolle oo ka tirsanaa kooxda Wasaaradda Maaliyadda Hargeysa.iyo Cabdiraxmaan Yaasiin Cali Gadhle. Dhallinyaradani waxa ay ahaayeen dhallinyaro door weyn ka qaata horumarinta ciyaaraha Soomaaliland.
Soomaaliland sanadkan gudihiisa waxaa shil baabuur ku geeriyoodey ku dhawaad 10 dhalinyaro ah.
Geesta kale Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Soomaaliland ahna Gudoomiyaha Xisbiga talada haya ee Kulmiye, Maxamed Kaahin Axmed, ayaa tacsi u dirayaa ehelka iyo asaxaabta ay ka geeryoodeen labada marxuum ee maanta ku geeriyooday shilkan gaadhi.
Wasiirku wuxuu labada marxuum EEBE uga baryayaa in uu Janatul-fardawsa ka waraabiyo denbigoodana dhaafo, Ehelkii, Asxaabtii iyo Qoyskii ay ka geeryoodeenna samir iyo iimaan ka siiyo.