Siyaasiyiin, wariyeyaal iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa si weyn kaga falceliyay tallaaabdii Booliska Soomaaliya ay ku xireen wariye Cali Nuur Salaad oo ahaa Agaasimaha mid ka mid ah TV yada Maxaliga ah.
Madaxda Warbaahinta Madaxa banana ayaa maanta Muqdisho ku qabtay shir-jaraa’id oo ay ku cambaaraynayaan Xarigga Wariyaha, waxaana ay ku tilmaameen in loo maray hab aan sharciga waafaqsanayn.
Booliska Soomaaliya ayaa baahiyay Sawirka Wariyaha oo ku sugan Xarunta Booliska, isla markaana waxaa ay sheegeen inay gacanta kusoo dhigeen, iyadoo Qoraal kooban oo lagu baahiyay barta Facebook ee Taliska qaybta guud ee booliska gobolka Banaadir lagu yiri “Ciidanka Boliska gobalka Banaadir ayaa soo xiray eedeysane Cali-Nuur Salaad Xasan oo ku eedeysan falal iskugu jira Anshax-daro, been-abuur iyo aflagaado Ciidammada Qaranka”.
Wariyaha ayaa dhawaan Bartiisa Facebook ku baahiyay muuqal uu kaga hadlayay dhibaatada uu Khaadku ku hayo Ciidanka Qaranka, waxaana loo badinayaa in sababta loo xiray ay tahay ka hadlidda arintaasi.
Masuuliyiinta Warbaahinta Madaxabanaan ayaa fariin u diray Madaxweynaha, waxaana ay ka dalbadeen in xorriyadiisa la siiyo Cali Nuur.