Soomaaliya ayaa Ethiopia ku eedeysey hubkii lasoo galiyey dallkas kaasi oo la geeyay magaalada Caabudwaaq, oo ka mid ah gobollada Galguduud ee bartamaha Soomaaliya. Eedeymahan ayaa ah kuwa kor u kiciyey xiisada u dhaxaysa labada dhinac.
Hubkan ayaa la sheegay in loo adeegsanayo dagaallada ka socda gudaha Soomaaliya, gaar ahaan kuwa u dhexeeya qabaa’ilka deegaanka. Xiisadahan qabaa’ilka ayaa ah kuwa soo noqnoqday, waxaana jira dagaallo u dhexeeya qabaa’ilka halkaas ku sugan oo mararka qaar sababa dhimasho iyo barakac.Xogo kale ayaa tilmaamaya in hubkan u rarnaa,masuuliyiin u tartamaaya kursiga ugu sareeya Galmudug
Si kastaba ha ahaatee, dowladda Ethiopia ayaa wali ka hadal eeda culus ee dusha loo saarey. Ma jiro wax war ah oo rasmi ah oo ka soo baxay dowladda Ethiopia oo ku saabsan eedeymahan. Waxaa la filayaa in xukuumadda Itoobiya ay soo saari doonto war rasmi ah oo ku saabsan arintaasi, iyadoo ay macquul tahay inay beeniso eedeymaha Soomaaliya ama ay ka hadasho xaqiiqooyinka arrintan la xiriira.
Waxaa jira dadaalo beesha caalamka iyo ururrada gobolka ay wadaan si loo xalliyo khilaafaadka jira. Soomaaliya iyo Ethiopia ayaa ku kala huleelay heshiiskii Soomaliland ay lagashay,Ethiopa.Falanqeeye yaasha aamniga ayaa sheegay in ay muhiim u yihiiin nabadgelyada iyo xasilloonida Geeska Afrika.