Siyaasiga caanka ah ee dalka Sweden, Markus Wiechel, oo ka tirsan xisbiga Sweden Democrats (SD), ayaa sare u qaaday dadaallada uu ugu jiro in Somaliland loo aqoonsado dawlad madax-bannaan. Wiechel, oo sidoo kale xubin ka ah baarlamaanka Sweden, ayaa qoraal uu ku daabacay barta bulshada ee X (horey loogu yiqiin Twitter) ku sheegay muhiimadda siyaasadeed iyo juquraafi ee Somaliland, isagoo xusay in uu dadaal xooggan ku bixinayo sidii dunida inteeda kale ay u qiri lahayd guusha Somaliland.
Qoraalkiisa ayaa si gaar ah diiradda u saaray halganka uu muddo dheer ugu jiray in Somaliland dib u hesho aqoonsi caalami ah. Wuxuu tilmaamay maqaal uu dhawaan qorey oo uu kaga hadlay muhiimadda Somaliland u leedahay gobolka Geeska Afrika iyo xasilloonida caalamka, isagoo ku adkaystay in qiritaanka madaxbannaanida Somaliland ay wax badan ka tari karto degganaanshaha iyo iskaashiga caalamiga ah.
Wiechel, oo ah siyaasiga ugu horreeya ee reer Yurub ee si cad u ololeeya aqoonsiga Somaliland, ayaa sidoo kale marar badan booqday Somaliland. Wuxuu ku amaanay horumarka ay gaareen dhinacyada dimuqraadiyadda, amniga, iyo horumarinta bulshadeed, isagoo sheegay in Somaliland ay mudan tahay in loo tixgeliyo waddan buuxa oo madax-bannaan.
Dadaalka Wiechel ayaa imanaya xilli Somaliland muddo dheer raadineysay aqoonsi caalami ah, iyadoo dhowr jeer si rasmi ah ugu codsatay in Qaramada Midoobay iyo dalalka reer galbeedka ay u aqoonsadaan jamhuuriyad madax-bannaan. Sidoo kale, dadaalka Wiechel ayaa noqon kara mid dhiirrigelin u noqon kara siyaasiyiin kale oo caalami ah oo taageeraya Somaliland.
“Halgankii aan u galay dib u ictiraafka Somaliland iyo muhiimadda juquraafi-siyaasadeed ee ay u leedahay u qiridda guushooda ayaan maqaal cusub ku soo qaatay.”
Wiechel ayaa tilmaamay in Somaliland ay mudan tahay in si buuxda loogu aqoonsado waddan madax-bannaan, maadaama ay leedahay dimuqraadiyad shaqeyneysa, amni sugan, iyo nidaam dowladeed oo tusaale u ah dalal badan oo ku yaalla gobolka Geeska Afrika.
Wuxuu sidoo kale ku adkeeyay in aqoonsiga Somaliland uu wax weyn ka tari doono xasilloonida gobolka iyo iskaashiga caalamiga ah, isagoo xusay in muhiimadda juquraafi-siyaasadeed ee Somaliland aysan ahayn mid sahlan. Wiechel, oo dhowr jeer booqasho ku tagay Somaliland, ayaa ku ammaanay horumarka dhinacyada amniga, dhaqaalaha, iyo maamulka, isagoo ku booriyay dalalka reer galbeedka inay qaataan tallaabooyin waaweyn oo lagu aqoonsanayo Somaliland.
Dadaallada Wiechel ayaa imanaya xilli Somaliland muddo dheer raadineysay aqoonsi caalami ah tan iyo markii ay ku dhawaaqday madaxbannaanida sanadkii 1991. Taageerada uu muujiyay Wiechel waxay horseedi kartaa kor u qaadidda wacyiga caalamiga ah ee ku saabsan Somaliland, iyadoo siyaasiyiin kale oo caalami ah laga yaabo inay ku dhiirrigeliso inay taageero la garab istaagaan jamhuuriyaddan.
Ololahan ayaa noqon kara mid guul u horseeda Somaliland mustaqbalka dhow, iyada oo taageerayaasha aqoonsiga ay rajo weyn ka qabaan in dunida ay si dhab ah u eegto dadaallada shacabka iyo dowladda Somaliland ee ku aaddan helidda aqoonsi rasmi ah.