Shirkii Ethiopia iyo Soomaaliya ee Turkiga ka socday ayaan wax qodobo ah ka soo bixin.
Wasiirka arrimaha Dibadda Turkiga ayaa sheegay in bisha September ay kulan labaad labada waddan ku yeelan doonaan isla Turkiga.
Dawladda Soomaaliya ayaa warkan hore uga saartey baraha kala duwan ee ay ku leedahay baraha Bulshada oo lagu baahiyey.
Hore ayey siyaasiyiinta uga digeen in arintan Qudbo siro laga dhigo,amase laga qariyo shacabka Soomaaliyeed.
Waxaa kale oo hadda soo baxaya warar sheegaya in Itoobiya La Siinaayo dekadda Hobyo,Waxana warkan si weyn u Qaado dhigtey Warbaahinta dalka Turkiga.
Cali Yare Cali oo kamida siyaasiyinta mucaaradka ah ee dibad wareega ah ayaa ku tilaamey hadii warkaas dhab noqdo in ay tahay,Godob kale oo laga galey Goboladda Woqooyi tan 1988kii.
Sido kale Wasaaradda Arimaha Dibadda Soomaliland ayaa Qoraalkan baahisey”Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga ah ee JSL mudane Dr. Ciise Kayd Maxamuud ayaa xafiiskiisa kula kulmay Qunsulka Guud ee Türkiga u fadhiya Somaliland Mr. Levent Çeri. Wasiirku waxa uu la wadaagay walaaca ay xukuumadda Somaliland ka qabto arrimo door ah oo saamayn kara xidhiidhka labada dawladood ee Türkiga iyo Somaliland. Kulanka oo kusoo dhammaaday is-afgarad ayaa waxa la isla qaatay in la sii xoojiyo xidhiidhka iyo wadashaqeynta dawladaha Somaliland iyo Türkiga.
Si kastaba ilaa hadda dawlada Soomaaliya ayaan faahfaahin sababta keentey,in xikigan Itoobiya wadahal lala furo.
Ilokale oo diblomaasiyadeed ayaa sheegay in khilaaf soo kala dhex gakey wasiirka Arimaha Dibadda Axmed Macalin Fiqi iyo Xasan Sheekh Maxamuud.
Yeel Media ayaa hore u baahisey in shir uga furmaayo Itoobiya iyo Soomaaliya Magaalada Ankara ee dalka Turkiga