Wejiga saddexaad ee Wada-xaajoodka Soomaaliya iyo Itoobiya ee uu hoggaaminayo Turkiga ayaa lagu wadaa in uu mar kale dib uga furmo magaalada Ankara 17 bishan September.
Wasiirada Arrimaha dibadda Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa la filayaa in ay dhawaan u safraan magaalada Ankara halkaasi oo uu ka furmayo Wada-xaajoodka aan tooska ahayn ee labada dal sida ay sheegayaan wararka dibloomaasiyadeed.
Dowladda Turkiga ayaa laba wareeg oo hore u kala dab-qaaday labada waddan kadib wada-hadallo aan toos ahayn oo ka dhacay magaalada Ankara balse labadaasi wareeg ee wada-xaajoodka ayaa ku dhammaaday natiijo la’aan.
Soomaaliya ayaa ku adkaysatay in marka hore Itoobiya ka laabato is-afgaradkii badda ee ay la gashay maamulka Somaliland si wada-xaajoodku u guulaysto halka Itoobiya dalbatay in marka hore loo caddeeyo wixi ay ku beddelan lahayd ka-laabashada Is-afgaradkaasi.
Xiisadda labada dal ayaa marba marka ka danbaysa cirka isku sii shareeraysa tan iyo intii Abiy Ahmed uu is-afgaradkii badda la saxiixday madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi taasi oo ay si adag uga hortimid dowladda Soomaaliya.
Dhinaca kale Soomaaliya ayaa heshiis iskaashi millitari la saxiixatay Masar waxaana la sheegay in ciidamada Masaaaridu imaanayaan Soomaaliya si ay qeyb uga noqdaan hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika taasi oo Itoobiya ka sii carootay.
Dhanka kale, Soomaaliya ayaa dhowaan heshiis iskaashi millateri la saxiixatay dalka Masar, kaas oo qayb ka ah taageerada milatari ee Soomaaliya ka hesho wadamada dibadda. Heshiiskan ayaa la sheegay inuu keeni doono in ciidamo Masaari ah loo soo diro Soomaaliya, si ay qeyb uga noqdaan hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika (ATMIS). Arrintan ayaa sii kordhisay cadhada Itoobiya, oo muddo dheer ka soo horjeedday saameynta millatari ee Masar ku leedahay gobolka, gaar ahaan muranka biyo-xireenka Wabiga Niil.
Wada-xaajoodkan ayaa loo arkaa mid muhiim ah, maadaama xiriirka labada dal uu hoos u sii dhacayo, iyadoo Turkiga uu ka shaqeynayo in uu xal u helo xiisadaha sii xoogeysanaya. Haddii wada-xaajoodka cusub uu ku dhammaado natiijo la’aan, waxaa laga yaabaa in xiisadda labada dal ay sii xumaato, taasoo saameyn ku yeelan karta gobolka Geeska Afrika.