Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si adag uga hadlay doorashooyinka dalka, isagoo sheegay in dowladdiisu ka go’an tahay in dalka la gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in dowladdu ay diyaarisay qorshe cad oo lagu hirgelinayo doorashadan, si loo xaqiijiyo in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay helaan fursad ay codkooda ku dhiiban karaan.
Madaxweynuhu wuxuu xusay in dowladdu ay ku dadaalayso inay xoojiso nabadgelyada iyo amniga si loo xaqiijiyo in doorashadu ku dhacdo jawi nabad ah oo xor iyo xalaal ah. Sidoo kale, wuxuu ku baaqay in dhammaan dhinacyada siyaasadda iyo bulshada ay ka qeyb qaataan geedi-socodka doorashada, iyagoo ka shaqeynaya midnimo iyo wadajir.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale sheegay in doorashada qof iyo codka ah ay tahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo dowladnimada Soomaaliya iyo hannaanka dimuqraadiyadda, taas oo keeni doonta in la helo dowlad loo dhan yahay oo ka tarjunta rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.
“Dalka doorasho ayuu aadayaa,darashada uu aadayaana waa qof iyo cod,Dadka Soomaaliyeed oo dhanbaa codaynaaya”Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay sida ay uga go’an tahay in dalka aan lagu celin Teendhada Afisiyoone.
Suurtogalnimada in Soomaaliya ay ka qabsoonto doorasho qof iyo cod ah waxay ku xiran tahay dhowr arrimood oo siyaasadeed, amniga iyo dhaqaalaha. Inkasta oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dowladdiisu ay muujiyeen dadaal iyo rabitaan ku aaddan hirgelinta doorasho noocan ah, haddana waxaa jira caqabado waaweyn oo ay tahay in la xalliyo si ay taasi u hirgasho. Qodobada muhiimka ah ee saameyn kara suurtogalnimada doorashada qof iyo codka ah waxaa ka mid ah:
- Amniga: Soomaaliya weli waxay la tacaaleysaa arrimo amni darro oo ay sababaan kooxo hubeysan sida Al-Shabaab. Xaaladda amni darrada ah ee ka jirta qaybo badan oo dalka ah ayaa adkayn karta in doorasho qof iyo cod ah lagu qabto si nabad ah iyo si hufan.
- Qorshaha iyo Farsamada: Doorashooyinka qof iyo codka ah waxay u baahan yihiin qorshe farsamo oo ballaaran, oo ay ku jiraan diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha, diyaarinta goobaha cod-bixinta, iyo tababarka shaqaalaha doorashada. Taasina waxay u baahan tahay waqti iyo dhaqaale.
- Xasilloonida Siyaasadeed: Soomaaliya waxay ka soo kabanaysaa khilaafaadyo siyaasadeed oo waqti dheer soo jiray. Wada shaqeynta iyo isku tanaasulka kooxaha kala duwan ee siyaasadda ayaa muhiim u ah qabsoomidda doorashada.
- Taageerada Bulshada Caalamka: Soomaaliya waxay u baahan tahay taageero caalami ah, oo ay ku jirto mid dhaqaale iyo mid farsamo, si ay u hirgeliso doorashooyinka qof iyo codka ah. Hay’adaha caalamiga ah ee taageera Soomaaliya waxay door muhiim ah ka ciyaari karaan arrintan.
- Qabyo qoraalka sharciyada: In la dhameystiro shuruucda iyo hab-raacyada doorashooyinka ayaa sidoo kale muhiim ah si loo hubiyo in doorashooyinka ay noqdaan kuwo caddaalad ah oo si xor iyo xalaal ah u dhacaya.
Inkasta oo ay jiraan caqabado waaweyn, haddana haddii dhinacyada kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed iyo dowladdu ay ku dadaalaan in ay ka shaqeeyaan xalinta caqabadahaas, waxaa suurtagal noqon kara in doorasho qof iyo cod ah ay ka dhacdo Soomaaliya. waxana ay shacabka Soomaaliyeed markoodii ugu horaysay dooran doonaan qofka ay u holodaan.