Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Isbitaalada ku booqday Ciidamadii kusoo dhaawacmay dagaal dhaawaan ka dhaca Gobolka Galgaduud, kuwaasi oo qaba dhaawacyo kala duwan.
Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxyadiin ayaa ka mid ahaa Masuuliyiinta booqday dhawaacyada,waxaana sidoo kale ka mid ahaa Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.
Ciidamada dhaawaca ah ayaa dagaal ka galay Magaalada waniille ee Gobalka Galgaduud, waxaana dagaalkaasi sidoo kale qayb ka ahaa Ciidamada dadka degaanka ee Macawisleyda loo yaqaanno.
Dowladda Soomaaliya oo dagaalkaasi war-saxaafadeed kasoo saartay ayaa sheegtay inay dishay dagaalamaayal badan oo ka tirsan AS, oo ay qayb ka ahaayeen xubno sare.
Taliyaha XDS ayaa caafimaad qab buuxda u rajeeyay askarta dhaawaca ah, waxuuna dhaqaatiirta kula dardaarmay inay askarta ku bixiyaan dadaal dheeraad ah, sidoo kale waxaa uu alle uga baryay in Jannatul firdowsa uu ka waraabiyo geesiyaashii ku shahiiday Howlgalkaas.